Hodan Naalleeye, Saygeedii iyo Dad kale oo Ku Dhintay Qarax iyo Weerar Al-Shabaab ka Fulisay Kismaayo

HODAN NAALLEEYE IYO SAYGEEDII FARIID OO QARAXA KISMAAYO KU GEERIYOODAY 2019
HODAN NAALLEEYE IYO SAYGEEDII FARIID OO QARAXA KISMAAYO KU GEERIYOODAY 2019

Kismaayo(aftahannews):- Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hotel Mariidiyaanka ee Ex-Cascaseey, oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

HODAN NAALLEEYE IYO SAYGEEDII FARIID OO QARAXA KISMAAYO KU GEERIYOODAY 2019
HODAN NAALLEEYE IYO SAYGEEDII FARIID OO QARAXA KISMAAYO KU GEERIYOODAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, ka hor inta aysan rag bubeysan gudaha u gelin. Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Hotelka ayaa waxaa degenaa, dad qurba jooga ah, iyo qaar ka mid ah murashixiinta doorashada Jubbaland. Inkastoo aanay dowlad-goboleedka Jubaland weli si rasmi ah u shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca qaraxaasi iyo weerarka ku lammaanaa sababeen, haddana waxa jira warar sheegaya magacyada dadka ku dhintay qaarkood oo la xaqiijinayo.

Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd Gabadh caawin jirtay Haweenka danyarta ah iyo Weriye madax-bannaan oo aas-aastay Integration TV. Waxa lagu soo warramayaa inuu la geeriyooday Saygeedii oo la odhan jiray Fariid Jaamac, kasoo mid noqday Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood. Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, isaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka. Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.

Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Waxaannu Allaah uga baryeynaa Hodan, Saygeeda iyo guud ahaan Dadka qaraxaas iyo weerarkaas ku dhintay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna u malmaliyo oo caafimaad siiiyo.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha qaraxaas iyo weerarkaas Kismaayo ka dhacay caawa, waxaannu idinkula wadaagi doonnaa wararka dambe ee warbaahinta aftahannews.com, haddii Illaahay idmo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.