Ceel-afweyn: Beel Tikniko iyo Hub ay haysatay ku wareejisay Dowladda Somaliland

CEEL-AFWEYN TIKNIKO IYO HUB BEELI KU WAREEJISAY DOWLADDA SOMALILAND
CEEL-AFWEYN TIKNIKO IYO HUB BEELI KU WAREEJISAY DOWLADDA SOMALILAND

Ceel-afweyn (aftahannews):- Beel ka mid ah Beelaha ku dagaallamay deegaannada ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa Gaadiid Tikniko ah iyo Hub ay haysteen, jimcihii maanta ku wareejiyey Dowladda Somaliland, isla markaana sheegay inay iyagu iska lahaayeen Tiknikada iyo hubka ay wareejiyeen oo ay ka iibsadeen dhaqaale ay iska ururiyeen.

CEEL-AFWEYN TIKNIKO IYO HUB BEELI KU WAREEJISAY DOWLADDA SOMALILAND
CEEL-AFWEYN TIKNIKO IYO HUB BEELI KU WAREEJISAY DOWLADDA SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Masuuliyiin ka socday dowladda iyo Saraakiil Ciidammada ka tirsan, ayaa ka qaybgalay kulanka lagu soo wareejiyey Hubkaas oo ka qabsoomay, ka dib markii sida la sheegay Madaxweynaha Somaliland amray in hubka dhigis lagu sameeyo Beelaha ku diraray Ceel-afweyn, isla markaana waxa ka soo shaqeeyey wareejinta hubkan Madax-dhaqameed, Ganacsato iyo Odayaasha deegaanku.

Warkaas Hub-wareejinta ee Ceel-afweyn oo faahfaahsan iyo hadallada ay dhinacyadu ka jeediyeen, waxaannu idiinku soo ku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.