Brazil(aftahannews):- Madaxweynaha lagu tiriyo dhanka midigta fog ee dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa wiilkiisa u magacaabay Safiirka u meteli doona waddanka Maraykanka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Eduardo Bolsonaro, ayaa ah 35 jir ka tirsan Barlamaanka Baraasiil, waxaanu Aabbihii kala taliyaa siyaasadda arrimaha dibedda iyo weliba arrimo kale oo Maamulka aabbihii hayo la xidhiidha oo uu ku lammaanaa intuu xilka hayey-ba.
Hase-yeeshee, haddii uu aqbalo jagadan Safiirnimo, wuxuu iska casili doonaa xubinnimada Barlamaanka Barasiil. Xilka Safiirka Maraykanka ee Baraasiil, ayaa banaanaa tan iyo bishii April ee sannadkan
Madaxweynaha Brasiil oo sanadkii hore la doortay ayaa sheegay inuu jecel yahay oo ku daydo siyaasadda madaxweynaha Marayknaka Donald Trump oo siyaasaddiisa lagu tilmaamo mid gebo-dhaclaysa oo meel loogu soo hagaago aan lahayn amma duul-duul-badan.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.