Madaxweynaha Brazil oo Wiilkiisa u Magacaabay Safiirka Dalkiisa u Fadhiya Maraykanka

MADAXWEYNAHA BRAZIL OO WIILKIISA U MAGACAABAY SAFIIRKA MARAYKANKA 2019
MADAXWEYNAHA BRAZIL OO WIILKIISA U MAGACAABAY SAFIIRKA MARAYKANKA 2019

Brazil(aftahannews):- Madaxweynaha lagu tiriyo dhanka midigta fog ee dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa wiilkiisa u magacaabay Safiirka u meteli doona waddanka Maraykanka.

MADAXWEYNAHA BRAZIL OO WIILKIISA U MAGACAABAY SAFIIRKA MARAYKANKA 2019
MADAXWEYNAHA BRAZIL OO WIILKIISA U MAGACAABAY SAFIIRKA MARAYKANKA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wiilkan oo lagu magacaabo Eduardo Bolsonaro, ayaa ah 35 jir ka tirsan Barlamaanka Baraasiil, waxaanu Aabbihii kala taliyaa siyaasadda arrimaha dibedda iyo weliba arrimo kale oo Maamulka aabbihii hayo la xidhiidha oo uu ku lammaanaa intuu xilka hayey-ba.

Hase-yeeshee, haddii uu aqbalo jagadan Safiirnimo,  wuxuu iska casili doonaa xubinnimada Barlamaanka Barasiil. Xilka Safiirka Maraykanka ee Baraasiil, ayaa banaanaa tan iyo bishii April ee sannadkan

Madaxweynaha Brasiil oo sanadkii hore la doortay ayaa sheegay inuu jecel yahay oo ku daydo siyaasadda madaxweynaha Marayknaka Donald Trump oo siyaasaddiisa lagu tilmaamo mid gebo-dhaclaysa oo meel loogu soo hagaago aan lahayn amma duul-duul-badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.