Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Colaadda Ceel-afweyn, Somaliland iyo Dadkeeda Baaq u Diray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Colaadda Ceel-afweyn, isla markaana ku baaqay in xaaladda wadahadal iyo nabad lagu dhammeeyo oo dagaalka la joojiyo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War qoraal ah oo uu soo saaray maanta Madaxweyne Farmaajo, ayuu dowladda Somaliland, Wax-garadka, Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Qaybaha Bulshada ugu baaqay in la dhex-galo Beelaha walaalaha ah eek u diriraya deegaannada ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

“Madaxweynaha waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow… waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.” Sidaa ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.