Xukuumadda Somaliland oo digniin adag u dirtay Idaacada BBC-da

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaarradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-da ay ka sugayaan jawaab waafi ah waraaqdii ay dirtay wasaarada Warfaafintu, Isagoona u diray fariin digniin ah.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Idaacada BBC-du ay hore u ahayd Idaacad ay u wada sinaayeen bulshada Af-soomaaliga ku hadasha, Balse ay hada la mid noqotay Idaacada Muqdisho ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.