Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu jiro kulan dhaxmari doona Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in uu magaalada Addis Ababa ku dhaxmari doono Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in 13ka bishan magaalada Addis Ababa ku dhaxmari doono madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya  Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay Wasiirka in wasaarraddiisu u xil saaran tahay arrimaha dibadda Soomaaliya sidaa daraadeed ayna ogeyn halka laga keenay warkan ku saabsan kulanka labada madaxweyne.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegayay in 13ka bishan ay magaalada Addis Ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru,kulankaa oo uu gadhwadeen ka yahay ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Xidhiidhka dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba wanaagsaneyn waxaana muuqata in arrimhan oo dhan salka ku hayaan  dacwada badda ee hortaala maxkamada ICJ.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.