Antonio Guterres: Maamul xumada ayaa sabab u ah argagixisada

Nairobi (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in rabshadaha iyo takrifallada awoodaha ay yihiin arrimaha horseeday argagixisada.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka xubinta ah Qaramada Midoobey inay ka hadlaan isla markaasna ay wax ka qabtaan sababaha horseeday soo shaac bixidda urarada argagixisada dunida.

Antonio Guterres oo ka hadlayay shirka Qaramada Midoobey ee lagaga hadlayay arrimaha argagixisada oo ka furmay dalka Kenya.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in tacadiyadda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo maamuli xumada ay kamid yihiin arrimaha horseeday inay sare u kacaan ficilada argagixisada.

Waxaa shirka lagu marti qaaday dhammaan dalalka xubinta ka ah Qaramada Midoobey si loo falanqeeyo tallaabooyinka lagaga hortaggi karo argagixisada.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.