Puntland oo eedaysay Ra’iisal Wasaare Khayre oo Gaalkacayo ku sugan

Gaalkacayo (Aftahannews) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyay inuu diiday qorshihii ay doonayeen inay ugu soo Gudbo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo, balse isagoon la soconsiinin uu dhanka Koonfureed ka soo gudbay, lana kulmay Dad gaar ah.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in Raysal-wasaaruhu uu diiday Meeqaamkii iyo Maamuuskii ay u diyaariyeen, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad-darro ku jirto in Raysal-wasaaruhu u diiday oo uu yidhi annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo.”

Wasiir Dhan-cad wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Bulshada Soomaaliyeed la arkaan waxay iyagu ka arkeen Raysal-wasaaraha “Maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yidhi, isagoo sheegay inuu raalli-gelin u dirayo Waxgarad uu sheegay inay doonayeen inay Waqooyiga Gaalkacayo ku soo dhaweeyaan Raysal-wasaaraha.

Raysal-wasaaraha oo Maalmihii u dambeeyay wuxuu ku sugnaa Koonfurta Gaalkacayo oo ay Maamusho Gal-mudug, balse Shalay ayuu u gudbay Waqooyiga Gaalkacayo, isagoo Garoon lagu ciyaaro kubadda kula kulmay dhalinyaro, taasi oo Maamulka Puntland oo doonayey inay soo dhaweeyaan ka Cadhoodeen.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.