Diyaarinta Master Plan-ka magaalada Laascaanood oo laga bilaabay daafaha magaalada

Filed under: Wararka |

Laascaanood (Aftahannews)- Hawlgal lagu samaynayo dhul degaanka magaalada Laascaanood ayaa si wadajir ay uga wadaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose kaas oo lagu samaynayo dhulkii noqonlahaa degaanka ay ku fidayso magaaladu Master Plan,

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) oo hashan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay tahay danta bulshda degaanka oo loo sii diyaarinayo Laascaanood cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay tahay mid lagu faano, waxaanu xusay in hada halka Laascaanoodda la jecelyahay ay tahay ta la degan yahay ay tani noqon doonto mid ka qaalisan maadaama qaab habaysan loo sameeyey.

Dadka degaanadaasi dhulka ku lahaa oo intooda badan joogeen ayaa marka la eego badankoodu ay la dhacsanaayeen samaynta wadooyinka loo sameeyey dhulka banaan ee ay la sugayeen mustaqbalka.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la bilaabo qorshi Town plan, kaas oo lagu baabiinayo sandaqadaha iyo dhismayaasha wadoonyinka galay oo intooda badan ay ganacsatada yaryar leeyihiin.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login