SONSAF oo war ka soo saartay colaada Ceel-afweyn

SONSAF

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku baaqay in wax lagaga qabto shaqaaqadda soo noqnoqotay ee ka dhacday deegaanka Ceel Afweyn.

Waxa kaloo Dalladda SONSAF soo jeedisay in hub ka dhigis iyo dhaqancelin loo sameeyo dhallinyarada deegaanka Ceel Afweyn.

Warsaxaafadeedka SONSAF oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, wuxuu u qornaa sidan:-

“Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac weyn ka muujinayaan colaadda soo noq-noqotay ee Degmada Ceel Afwayn ku dhex maraysa Beelaha walaalaha ah ee degaankaas ku wada nool. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo cunfiga iyo dhiiga dadka walaalaha ah ee hawl yaraanta ku daadanaya.

Waxa kaloo SONSAF soo jeedisay in Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka inay xal u raadiyaan caqabadaha salka u ah hurinta colaadda Ceel Afwayn.

Bushada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku adkaynayaan Xukuumadda in ay Xoojiso fulinta sharciga, oo hub ka dhigis iyo dhaqan celinba u samayso dhallinyarada hubaysan ee labada dhinac. Isla mar ahaantaana tallaabo adag ka qaaddo cid kasta oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh colaadda Ceel Afwayn.

Sidoo kale waxa War-murtiyeedka SONSAF lagu sheegay in Xukuumaddu ay xoojiso joogitaanka Hay’adaha dawliga ah isla markaana kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadyawga ku nool guud ahaan Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceel Afwayn.”

Ugu dambayn waxaa Dallada SONSAF ku boorisay dhammaan wax-garadka, Aqoonyahanka, Culimada, Madax dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka deegaankaas in loo hawl galo nabadgalyo waarta oo ka hirgasha Degmada Ceel Afwayn.”

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.