Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyaasha oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa warbixin lagaga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaarahaha Haweenka iyo Qorsheynta.

Wasaaradda howlaha Guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, Maamul Gobaleedyada, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga Adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa lagaga hadlaa arrimaha horumarineed ee Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.