Ruushka oo Safiir u soo magacaabay Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Ruushka ayaa Safiir u soo magacowday Dalka Soomaaliya.

Safiirka Ruushku u soo Magacaabay Soomaaliya oo magaciisu yahay Mikhail Golovanov ayaa waxa Maanta Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).

Ergayga Ruushka ee Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya soo gaadhsiiyey Salaan uga timid Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjiraha Ruushka oo Wakhti wada qaatay ayaa ka wada-hadlay xidhiidhka Ruushka iyo Soomaaliya iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhkaasi.

Waxa soo kordhaya Dawladaha Safiirrada u soo Magacaabaya Soomaaliya, waxaanu Ruushku ka mid yahay Dawladaha waaweyn ee dib u soo nooleeyay xidhiidhka ay la lahaayeen Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.