Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taallada Dhagax tuur

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.
Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha.
Munaasabadda ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye, Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac Kaynaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.