Madaxweyne Biixi oo caddeeyey in aanay Somaliland marna tagaynin shir ay la yeelato Soomaaliya oo aanay goobjoog ka aheyn dalalka caalamku

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlay xaflad lagu muuneynayey 59 Guuradda ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26kii June Sannadkii 1960kii, ayaa  shacbiga JSL ku bogaadiyey 59 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland noqotay meeshii u horreysay ee Soomaali oo dhan ugu hor xorowday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya iyo shacbiga dalkaasi uga tacsiyadeeyey dilkii lagu laayey toddobaadkan masuuliyiin  badan oo ka tirsanaa xukuumadda  Itoobiya, waxaanu xaqiijiyey in Somaliland ka xun tahay ciddii ku soo duusha ee waxyeelaysa  dawladnimada Itoobiya. Waxaanu iftiimiyey inay barbar taagan yihiin dawladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha JSL wuxuu ka taariikheeyey halgankii xornimo doonka ahaa ee Shacbiga Somaliland ay iskaga tuureen heeryadii gumaystaha, waxaanu sharraxaad ka bixiyey hungadii lagala kulmay niyad wanaagii reer Somaliland ay xornimadoodii kula midoobeen Soomaaliya.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland aanay waxba ka doonaynin Soomaaliya, hase ahaatee ay wadahadalka uga dan leedahay in gartiisa  ka hornaqsato beesha caalamka, waxaanu  ballanqaaday in Somaliland ka qaybgeli doonto madal kasta oo ay doodeedda ugu bandhigayso dalalka caalamka.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey shirkii shalay lagu waday inay Nairobi isku arkaan laba wefti oo ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya, hase ahaatee ay Soomaaliya diiday inay ka qaybgasho, waxaanu madaxweynuhu tilmaamay in ergadii Somaliland ay fursad u heshay inay beesha caalamku ay dhegaysatay mowqifka Somaliland.

Sidoo kalena wuxuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi caddeeyey in aanay Somaliland marna tagaynin shir ay la yeelato Soomaaliya oo aanay goobjoog ka aheyn dalalka caalamku.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland la wada leeyahay oo beelaha Somaliland ay u dhammaayeen go’aankii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland sannadkii 1991kii lagu qabtay Magaalada Burco.

Madaxwynuhu wuxuu sheegay in Somaliland inay nabadda Somaliland ay waxyeelo ku noqon karto qabyaaladdu waxaanu xusay in shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolka Sanaag ee soo noqnoqday dawladdu ay tallaabo adag ka qaaday. Madaxweynaha JSL wuxuu intaas ku daray  in dadkii dilay labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidammada qaranka loo hayo 25 qof oo ku xidhan jeelka Madheera, waxaanu bogaadiyey qoysaskii ay ka soo jeedeen saraakiishaasi oo uu tilmaamay inay dulqaad yeesheen oo ay badbaadiyeen Somaliland.

Madaxweynaha JSL  wuxuu sheegay in maalinta Sabtida ee fooda innagu soo haysa uu la kulmi doono xisbiyada qaranka, isagoo sheegay inuu rajaynayo inay ka soo baxdo waxa shacbiga Somaliland ka naawilayaan axsaabta qaranka.

Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu 12kii caweysnimo ee xalay uu calanka saaray xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.