Saraakiil iyo madax ku eedeysan afgambi oo Maxkamad Itoobiya ku taal la soo taagay

Addis Ababa (Aftahannews)- Maxkamad ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxaa ka soo muuqday dhowr qof  oo loo haysto falal argagixisanimo iyo eedeedo kale oo la xidhiidha iskudaygii xilka lagaga tuurayay dawlad goboleedka Amxaarada ee Itoobiya.

Tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen Sabtidii waa dadkii u horreeyay ee maxkamad ka soo muuqda, arrintaas oo horseeday geerida taliyihii guud ee milatariga Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo afar masuul oo kale.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige oo lagu eedeeyay in uu maleegay isku daygii afgambiga ayaa isna la dilay.

Xaakimka ayaa amray in eedaysaneyaasha maxkamad lagu sii hayo. Wuxuuna booliiska siiyay 28 maalmood si uu ula yimaaddo caddaymo dheeri ah.

Saddex ka mid ah dadka la xukumay ayaa xubno ka ah koox lagu magacaabo Baladera Council ama guddiga ku meelgaadhka ah ee Addis Ababa, kuwaas oo ah koox siyaasadeed oo sheegtay in ay u ol’olayso muwaadiniinta dagan caasimadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.