Somaliland iyo Faransiiska oo ka wadahadlay Arimaha Duulista Hawada

Nairobi (Aftahannews) – Dawladda Somaliland ayaa ku martiqaaday Faransiiska inay wax kala qabtaan, isla markaana ay raadiyaan maalgashi ku saabsan fursadaha ka banaan dhinaca Duulista hawada ee dalka Somaliland.

Agaasimaha maamulka Madaarada iyo Duulista Cabdi Maxamed Rodol ayaa kulan safaarada Faransiiska ee magaalada Nairobi kula yeeshay ganacsade Emmanuel Dragon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaarada dawlada Faransiiska ee dalka Kenya.

Mr Rodol ayaa u sheegay masuuliyiinta uu kula kulmay Safaarada dalka Faransiiska ee magaalada Nairobi in dalkiisa yari uu raadinayo fursado uu ku soo dhaweeyo maalgashadayaasha caalamka arimo door ah oo u baahan in la maalgashado oo Somaliland ay hodan ku tahay.

Waxaanu sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in maalgashadayaasha faransiisku ay la eegaan fursadan u baahan in la maalgashado.

Kulankan Agaasimaha Madaarada iyo Duulimaadyada Somaliland ayaa waxa ku wehelinayey wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil.

Arintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa kadib markii dhawaan ay masuuliyiinta Somaliland ay kulan la yeesheen madaxda shirkadda Kenyan Airways, taas oo qorshaynaysa inay duulimaadyo toos ah ay ku timaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.