Dhagaysiga dacwada muranka Badda ee Kenya iyo Somalia oo la mudooyey

Hague (Aftahannews) – Dhagaysiga dacwada ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya ayaa 9 September ka bilaabmaya Maxkamada Cadaalada ee Aduunka oo ku taala magaalada Hague ee dalka Netherlands, taas oo la filayo in ay socon doonto ilaa 13-ka September.

Maxkamada ayaa baahisay jadwalka dhagaysiga dacwada, maalin uun ka dib markii Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Monica Juma ay ka soo qormuuqatay guddida arimaha dibada iyo difaaca qaranka ee Baarlamaanka dalkeeda Kenya, taas oo warbixin ka siisay guddidaasi murankaasi ka dhexeeya labada dal ee Kenya iyo Somalia.

Kulanka Wasiirka Arimaha dibada Kenya ay la yeelatay guddidaasi ayaa ahaa mid aan warbaahinta loo ogolay sababta oo ah arimaha ay ka wadahadlayeen oo xasaasi ah.

Waxaanu gudoomiyaha Gudoomiyaha Guddidaasi Katoo ole Mettito uu ku amray warbaahinta inay qolka shirka ka baxaan, inkastoo hore tafatirayaasha warbaahinta dalka Kenya loogu sheegay in wixii muhiim loo arko in la baahiyo oo kaliya la siin doono wararka ku saabsan khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya labada dal ee Somalia iyo Kenya.

 

Halkan hoos ka akhri qoraalka maxkamadda oo Af Ingiriis ku qoran;

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.