Madaxweyne Muuse Biixi oo Laalay Xaalad Degdeg ah oo uu ku soo rogay Sanaag oo Baarlamaanku diiday

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa laalay xaalad degdeg ah oo uu bilo ka hor ku soo rogay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay labada gole Baarlamaan cod aqlabiyad ah ugu diideen inay ansixiyaan.

 

Haseyeeshee, xaaladdaas degdegga ah oo aan dhaqangelin, ayuu Madaxweynuhu sheegay inuu laalay maanta. Sidaa waxa uu ku sheegay wareegto uu maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews.com, waxaanay u dhignayd sidatan.

“Taariikh:  25/06/2019

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida                                                  Hargeysa

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada                                             Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                    Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga                                       Hargeysa

Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka                                            Hargeysa

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay:       In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay:       In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen  ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday          Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1)                  In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.