Somaliland 2019: Yey dani ugu jirtaa Doorashada Golaha Wakiillada?Faallo

“Ceeb maaha in Qaranka Somaliland inta uu isku tashado sida uu door moodo ku xalillo amma u maareeyo Mustaqbalka Dawladnimadiisa iyo Doorashooyinka bud-dhiga u ah..”, balse waxa nusqaan innagu ah haddii aynu aqbalno …” W/Q: SCC. Kalshaale 

Guddida Doorashada Somaliland ayaa Arbacadii sheegay hadal iftiiminaya in Doorashada Baarlamanku qabsoomayso horaanta bisha December ee sanadkan 2019, inta ka horaysa wakhtigaana ay sii wadayaan shaqada diyaarinta hannaanka Doorashadaas, iyagana muddo-xileedkoodu ku eegyahay dabayaaqada bisha November oo ku beegan laba todobaad ka hor xilliga loo qorsheeyey in la qabto Doorashada Golaha Wakiillada.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa daboolka ka qaaday in loo diyaar-garoobayo qabsoomida Doorashada Baarlamanka iyo Dawladdaha hoose, waxaanay intaasi raaciyeen inay guddida Doorashada isla-qaateen casriyeyn iyo kordhin lagu sameeyey agabka Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashada lagu fulin doono.
“Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegaynaa Doorashadii way dhacaysaa…. way dhacaysaa, Xisbiga UCID wuu bilaabayaa qabashada Liiska Murrashaxiinta ka qayb-gelaysa” sidaas waxa beyaamiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wariyeyaasha kula hadlay isla maalintii Arbacada afaafka hore ee xarunta Guddida Doorashada, iyagoo ka soo baxay kulan uu ka muquurtay amma uu ku maqnaa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay labadaa Xisbi la yeesheen Guddida Doorashada.
Hadalka ka soo yeedhay labada Guddoomiye ee UCID iyo KULMIYE iyo dhinaca kale ee Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxa uu daaha ka rogay inay ka go’antahay qabashada Doorashada Golaha Wakiillada inta badan daneeyayaasha Doorashada, khaasatan Xukuumadda talada haysa, Guddida Doorashooyinka iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo ay iyaga dhankooda ka muuqato labac-labacle ay dhinaca Xisbiga WADDANI debecsanaan ugu muujinayaan.
Dhanka kale, warka Arbacaddii ka soo baxay Xisbiyada iyo Guddida Doorarashadu wuxuu sii tahkiidiyey hadal ku jiray khudbadii uu jeediyey 18-kii May Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ahaa in ay Doorashada Golaha Wakiilladu qabsoomayso wakhtiga ay Golaha Guurtidu u asteeyeen ee dabayaaqada sanadkan.
Hase ahaatee, go’aanka gunti-isku-giijiska ah ee uu Xisbiga WADDANI kaga maqan yahay dhaqdhaqaaqyada ay Xisbiyada kale ugu diyaar-garoobayaan Doorashada, kaasoo ka soo bilaambay qaadacaadii natiijada Doorashada Madaxtooyada iyo kalsooni-daradda uu ka muujiyey Komishanka Doorashooyinka tan iyo dhamaadkii sanadii 2017, ayaa u muuqda khiddad lagu xagal-daacinayo qabsoomida Doorashada lagu bedelayo xildhibaanada Kuraasta fadhiyey 14-ka sano, taasi oo ah arrin lagama maarmaana xilligan oo haddii ay sii waarto ceeb weyn ku sii siyaadinaysa sumcada Qaranka.
Haddaba, inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo Doorashadaasi hortaagan, isla markaana khilaafka WADDANI ay Weheliyaan qodobo kale oo ay ahayd in wakhti hore la xaliyo, balse wali taagan oo aan iyaga laftooda si looga gudbo loo baahan yahay Baarlaman cusub iyo wada-tashi Qaran oo Dastuuri ah, waxa jira isweydiimo ku taxaluqa doorka ay darafyada Siyaasadda waddanka ku loollamayaa mar walba ku leeyihiin dib u dhacyada Doorashooyinka oo dhan iyo hadba cida ay dani ugu jirto.
Isweydiimahaasi marka si dhab ah looga jawaabo-na waxa ay xaqiiqadu tahay in Xisbiyada Qaranka, Xukuumaddaha iyo qaybaha kale ee hogaanka Bulshada, qolloba kaalin ku leedahay habsanka iyo habaqsanaanta Doorashooyinka, taasina ay dhibaato iyo dhaxal-xumo ku keenayso Dalka, haddii aan laga xisaabtamin oo aanay darafyada aan sheegay danta dalka iyo dadka ka shaqaynin.
si kastaba ha ahaatee, Doorashadan iminka dooddeedu taagan tahay ee ay duruufaha badani ku gedaaman yihiin qabsoomideeda, haddii ay mar kale dib u dhacdo, Ma waxa dani ugu jirtaa Golaha Wakiillada ee kuraasta fadhiya 14 sanadood ee waayey damiir iyo doonis shacbi oo kaga kiciya awood aan xoog ahayn ee ah cod iyo cadaadis selmi ah?
Ma waxa dani ugu jirtaa Xisbiga Kulmiye ee markii labaad ku guulaystay hogaaminta dalka, laga soo bilaabo wakhtigii la doortay Golaha 2005-tii, ilaa iminkana haysta Aqlabiyada Golahaasi ee aan waligii mashruuc uu wataa kaga barriiqan kalsoonida Xildhibaanada?
Ma waxa dani ugu jirtaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee taagan marxaladii uu xisbiga Kulmiye taagnaa ka hor intaan la bedelin Golihii Wakiillada ee kuraasta baneeyey 2005-tii ee u baahan inay Golaha Xeer-dejinta ka helaan aqlabiyad cusub iyo Wakiillo cusub?

Ma waxa dani ugu jirtaa shacbiga mahadinta dadka ay doortaan wali ku tahay hal-xidhaalaha ee haddana mar walba hiilka codka iyo hantida la garab taagan sumcada iyo sharafta dalkooda?
Ma waxa dani ugu jirtaa Qarankan ay ragaadiyeen qabyada Shuruucda iyo qabyaaladdu ee u baahan Wakiillo cusub oo dar-dar geliya dhamaystirka dal-dalloolooyinkan Dastuurka iyo danta danyarta dalka?
Ma waxa dani ugu jirtaa qaadhaan-bixiyeyaasha qaxarka badan ee marba Doorashada soo dhawaataba ka dhex muujiya qabsoomideeda xayeysiiska Ictiraafka Somaliland, haddii ay dhici waydana rajjo la’aanta abuura?
Ma waxa dani ugu jirtaa Beellaha qawadsan saami-qaybsiga iyo Gobolada saluugsan Dastuurka iyo dawladnimada?
Mise waxa dani ugu jirtaa Deegaanka Madaxweyne Muuse Biixi, Deegaanka, Guddoomiye Cabdiraaxmaan Cirro, Deegaanka Faysal Cali Waraabe, Qabiilka Cali Qoor-seef mise qabiilka Qudhac Qansax Galool iyo Qadhoon Warfaa?
Su’allahan, waxaan qiyaasayaa akhristeyaal in aad mid walba calaamadiseen dulucda ay xambaarsan tahay oo iftiiminaysa jawaabteeda, idiinna kala cadahay cida ku wax waayeysa haddii mar kale dib loo dhigo Doorashadaas iyo cida ku faa’idaysa haddii la qabtaba.

Gabagabadii, waxaan ku soo uruurinayaa “ceeb maaha in Qaranka Somaliland inta uu isku tashado sida uu door moodo xalillo amma u maareeyo Mustaqbalka Dawladnimadiisa iyo Doorashooyinka bud-dhiga u ah”, balse waxa nusqaan innagu ah haddii aynu aqbalno oo aynu darbaneyaal u noqono dan-jireyaasha Shisheeye ee qaadhaan-bixiyeyaasha aynu u naqaano, “kaddibna ay kuwaasi inoo yeedhiyaan wax danteena u muuqda oo aan dawo innoogu jirin,laakiinse meesha ka saaraya isku-tashigii, isu-tanaasulkii iyo toobiyihii ay Somaliland halkan ku soo gaadhay, abuuraysana kala-shaki iyo kala-tag bulshada kor iyo hoos saameeya, aakhirkana inagu dara liiska Dadyowga isku-tashan kari waayey, sida Dalka Soomaaliya.

This image has an empty alt attribute; its file name is Warbixinta-caydha-iyo-abaaraha-500x288.png
Wariye Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)/ Suxufi wax ka qora Siyaasada/ Xuquuqda Sawirka waxa leh BTV/2016

W/Q: Suxufi Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/ Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com