Hoggaamiyihii ka dambeeyey afgembigii fashilmay ee Itoobiya oo la toogtay

Hoggaamiyihii inqilaabka Itoobiya oo la dilay
Hoggaamiyihii inqilaabka Itoobiya oo la dilay
Addis Ababa (aftahannews):- Weriye BBC-da ka tirsan ayaa kusoo warramaya in ninkii la sheegay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada, Janaraal Asamnew Tsige ay toogteen ciidammada booliska dalkaas.
Hoggaamiyihii inqilaabka Itoobiya oo la dilay
Hoggaamiyihii inqilaabka Itoobiya oo la dilay

Waxaa lagu soo warramaya in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii.

Janaraalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

Xigasho BBCSomali.com.