Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xil-ka qaadis Sameeyey

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha xukuumadda.

Wareegto uu Madaxweyne Biixi soo saaray maanta soo saaray oo uu isagu ku saxeexanyey ku sameeyey xilka qaadista ku sameeyey. Waxaana nuqul aftahannews soo gaadhay u dhignaa sidan:-

“Taariikh:  24/06/2019

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

       Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha

        Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO:MAGACAABID

Markaan Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:       Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday:      Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay:       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

      1)      In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

      2)      In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.