Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya oo UN-ka gaadhay

New Yor (Aftahannews) – Dawladda Kenya ayaa doonaysa inay soo faragaliyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay arinta dhinaca muranka xadka badda ee kala dhexeeya Somalia.

Waxaanu Xoghayaha Qaramada Midoobay, António Guterres uu u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha amaanka in khilaafkaasi uu xoog leeyahay isla markaana ay suurtagal tahay inuu khatar ku yeesho nabada iyo xasiloonida gobolka.

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha Dibada dalka Kenya oo ka hadashay arintaasi ayaa waxa ay tidhi “Laba todobaad ka hor, arinta (khilaafka xadka badda) waxa tilmaamay Xoghayaha guud oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u muujiyey suurtagalnimada khatarta ay ku keenayso nabada iyo amaanka gobolka,” ayay tidhi Monica Juma oo ah Wasiirka Arimaha dibada dalka Kenya.

Waxaana la tilmaamayaa hadii arinta Khilaafka Kenya iyo Somalia aan jidkiisa loo marin ay cawaaqib ku keeni doontaa qaarada oo dhan, isla markaana ay dhiirigalin u noqon karto in wadamada koonfurta ku yaala ay sidoo kale ka doodaan xuduudahooda ay wadaagaan.

Waxaanay Dawlada Kenya ay sheegaysaaba in arintani ay saamayn ku yeelan karto Xadka Kenya iyo Tanzania, Tanzaniya iyo Mozambique, Mozambique iyo Koonfur Afrika, hadaan sharciga sidiisa loo dabaqin.

Waxaanay Kenya ay ka cabsi qabtaa hadii ay kiiska dhulkaasi waydo, inay sidoo kale waayayso 26 boqolkiiba dhaqaalaha gobolka, kaas oo lagu qiyaaso ku dhawaad 51,105KM oo isku wareeg ah iyo 85 boqolkiiba ama 95,320KM oo isku wareeg ah, marka laga reebo 200 oo ka baxsan oo ah biyaha caalamiga ah ee ay maraakiibtu maraan.

Waxaanay tidhi Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya iyadoo si cad uga hadlaysa xudunta khilaafka labada dal “Kenya halka ay ka taagan tahay arintan adag ee abuurtay danaha diblomaasiyadeed iyo walaaca amaan way cadahay. Kenya waligeed kamay tanaasulin taako dhulkeeda ah. Kenya way garanaysaa xuduudihii taariikhiga ahaa, Somalia-na sidoo kale way garanaysa,” ayay tidhi Dr Juma, Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa iyaduna ka dharagsan xaalada arintaasi iyo xidhiidhka diciifka ah ee ka sii daraya ee ka dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, waxaanay arintani ay cirka isku sii shareertay Somalia oo lagu eedaynayo inay iibinayso ceelal shidaal oo gudaha ugu jira xadka Kenya.

Taas oo timid markii lagu iibiyey bishii February 7-deedii, intii uu socday Shirkii Saliida iyo Qaasta Somalia ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo Kenya ay aad uga soo horjeedsatay oo ay ku tilmaantay gardaro.

Taas oo sababtay in Nairobi ay ku dhaqaaqdo inay si degdeg ah ugu yeedhay Safiirkii ka joogay Somalia iyo iyadoo soo eriday 16-kii February in diblomaasiinta Somalia  ay Nairobi iskaga baxaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.