Nin baahiyay Muuqaalka weerarkii lagu Xasuuqay Muslimiinta New Zealand oo Maxkamadi Xukuntay

NINKa baahiyey muuqaalka MUSLIMIINTA MASJIDKA NEW ZEALAND KU XASUUQAY 2019
NINKa baahiyey muuqaalka MUSLIMIINTA MASJIDKA NEW ZEALAND KU XASUUQAY 2019

Christchurch (aftahannews):- Nin u dhashay dalka New Zealad oo baraha bulshada ku baahiyay muuqaal toos ah oo ku saabsanaa weerarkii lagu qaaday masaajidadii ku yaallay magaalada Christchurch ayaa lagu riday xukun 21 bilood oo xarig ah.

NINKa baahiyey muuqaalka MUSLIMIINTA MASJIDKA NEW ZEALAND KU XASUUQAY 2019
NINKa baahiyey muuqaalka MUSLIMIINTA MASJIDKA NEW ZEALAND KU XASUUQAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Philip Arps, ayaa muuqaalka weerarkaasi u diray 30 qof iyo qof kale oo ay saaxibbo yihiin. Garsooraha maxkamadda degmada Christchurch, Stephen O’Driscoll ayaa waxaa uu sheegay in Arps loo heysto dambi uu ka galay bulshada muslimiinta.

Nin hubeysan, ayaa 51 qof oo Musliimiin ah oo ku cibaadeysaneysay salaadda Jimacaha masaajido ku dilay New Zealand kaddib weerar bishii Maarso uu ku qaaday halkaas.

Xilli ay socotay dhageysiga dacwadda maanta, Arps waxaa uu qiray inuu ku lug lahaa labo dhacdo oo ah inuu faafiyey muuqaallo toos ah oo dambi ah oo ku saabsanaa weerarkii lagu qaaday muslimiinta New Zealand.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay inuu doonayey inuu dadka la wadaago muuqaal dib u habeyn lagu sameeyay kaas oo uu ku tilmaamay ninkan ‘mid wanaagsan’ sida ay ku warrantay warbaahinta Herald ee New Zealand.

Garsoore O’Driscoll ayaa cambaareeyay tallaabada uu ku dhaqaaqay Arps isla markaasna ku tilmaamay ‘inuu galay dambi naceyb abuurayo’, waxaa uu sheegay in arrin xun ay aheyd in ninkan uu muuqaalkaa tooska ah uu dadka la wadaago xilli uu socday weerarkii ka dhanka ahaa Muslimiinta. Ganacsadahan 44 jirka ah, ayaa bishii April qirtay dembigan loo heystay.

Waxaa sannadkii 2016-kii lagu soo oogay dacwad ah inuu Masaajidka Al-Nuur ee ku yaalla New Zealand ka hor tuuray madaxa xayawaanka Doofaarka, waxaa uu masaajidka kamid ahaa goobihii weerarka uu ka dhacay magaalada Christchurch. Weerarkii 15-kii bishii Maarso ka dhacay New Zealand ayaa ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca,

Xigasho BBCSaomali.com.