Kenya oo beenisay in dalkeeda laga helay kiis ku saabsan cudurka Ebola

Nairobi (Aftahannews) – Dowladda Kenya ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday kaddib baadhitaan deg deg ah oo ay sameeyeen laamaha caafimaadka dalkaasi lagu ogaaday cudurka Ebola aanu ka jirin Kenya.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.

Haweeney 36 jir ah oo la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda.

“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darteed ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya.

Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay qalqal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas.

Guud ahaan marka la eego cudurka Ebola ayaa hadda u muuqda mid wadnaha farta looga hayo dalal badan oo ka mid ah qaarradda Africa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.