“Waxa i xidhay 7 Nin, Dadkana waan cafiyey marka laga reerbo Faysal Cali Waraabe..” Xildhibaan Dhakool

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo 38 Maalmood oo uu Xabsiga ku jiray ka dib, Maanta la hadlay Saxaafadda markii uu Shalay dib u helay xorriyaddiisii.

Xildhibaanka oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xadhiggiisa ka dambeeyeen  7 Nin oo uu xusay inay hore isku necbaayeen.

“Ummadda reer Somaliland iyo deegaannada aan ka soo jeedo midbaan u sheegayaa, Aniga Qabiil ima xidhanin, Isaaq ima xidhan, Habar Awal na ima xidhan, Sacad Muuse-na ima xidhanin, laakiin Xadhiggayga 7 Nin oo Awalba i necbaa ayaa sabab u ahaa..” ayuu yidhi, Xildhibaan Dhakool, iyagana meel khayr leh ayuu Allaah dhigi doonaa, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u mahad-celinaynaa oo aan la hilmaami karin doorkii weynaa ee ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto ay arrintaa (siidaynta) ka qaadatay..”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo aan iyagana Cafinayaa wax Alaale iyo wixii arrintaa xumaan, hadday tahay mid Sharciyeed, hadday tahay mid Cunsuriyadeed iyo hadday tahay mid qofnimo iga galay Cafis bay iga yihiin, marka laga reebo Faysal Cali Waraabe..” ayuu yidhi

Xildhibaanka ayaa la xidhay, markii uu xuska 18-ka May ku tilmaamay mid Cid gaar ahi leedahay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.