Soomaaliya oo laga qaaday xayiraaddii ka saarnayd xubinnimada Ururka Shaqaalaha Adduunka

Geneva (Aftahannews) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku guulaystay inay hesho codkii ay ku lahayd urur-weynaha shaqaalaha Adduunka, kaasi oo ay ka maqnayd muddo 30 sanadood ku dhow.

Shirweynaha Shaqaalaha Adduunka oo ka socda Magaalada Geneva ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey inay Soomaaliya loo ogolaado inay dib u soo ceshato Codkii ay ku lahayd Ururkaasi, taasi oo hirgashay markii ay u codeeyeen Xubno gaadhaya 291 Xubnood.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo Magaalada Geneva kaga qayb-galaya Shirka Shaqaale-weynaha Adduunka ayaa sheegay in arrintan muddo dheer laga soo shaqaynayey, aakhirkiina lagu guulaystay “Arrintan muddo ayaa laga shaqeynayay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Qaranka Soomaaliya muhiim tahay “Muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha Adduunka ee xayiraadda naga saarnayd, tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.