Abwaan Sangub oo Itoobiya ku geeriyooday iyo Taariikh-nololeedkiisii

Addis Ababa (Aftahannews) – Alle ha u naxariistee Waxaa maanta Cisbitaal ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday abwaankii waynaa ee Maxamuud Cabdilaahi Ciise oo ku magac dheeraa ‘Singub’.

Abwaanka ayaa waayadii dambe la daalaa dhacayey xanuunka macaanka iyo dhaawac la sheegay in uu lugta ka soo gaadhay mar uu ku sugnaa Sacuudiga oo uu Cumro u tagay.

Abwaan Singub ayaa hilaaddii 1943-dii ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uuna ka tagay 23 carruur ah iyo 2 xaas.

Waxa uu fanka kusoo biiray isagoo da’yar , waxa uuna ku bilaabay ciyaarta dhaantada oo uu aad ugu soo caan baxay.

Bilowgii sannadkii 1961 ayuu tagay magaalada Hargeysa oo uu muddo kooban Joogay, isla sanadkaas ayuuna u wareegay magaalada Muqdisho.

Waxa uu abwaanku caan ku ahaa samaynta riwaayadaha iyo curinta heesaha. Waxa uuna lahaa heeso iyo riwaayado badan oo caan baxay.

Riwaadaha sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa: Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna waa Matalayaan, Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , Xuudbaa liqay Jacaylka , iyo Qabyo oo uu sameeyey burburkii kaddib.

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wuxuu noqday maamulaha tiyaatarka Hargeysa.

Abwaan Singub waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaalida soo mara, waxa uu sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yidhaahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.

Abwaan Singub ayaa burburkii kaddib ku noolaa dalka Jabuuti oo uu kusoo dhaweeyey madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle, isagoo waayadii dambena u wareegay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale waayadii dambe ahaa guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaalida.

Waxaana la sheegaa in uu ahaa Abwaanka labaad ee Soomaali ugu riwaayadaha badan Waxaana ka horreeya oo kaliya Axmed Saleebaan Bidde.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa abwaanka kaliya ee suugaantiisu ay Soomaaliya dhaafsiisnayd, Suugaantiisa ayaana u badnayd gumaysi diid iyo mid uu ka sameeyey xornimo doonkii Afrika.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.