Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo lacagihii ka joojisay dadka Madaxtooyada ku xidhan

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biix Cabdi uu Miisaaniyadda Madaxtooyada ku bixiyo Mashaariicda Horumarineed, halkii uu Lacag ahaan ugu siin lahaa shaqsiyaad gaar ah.

Wasiir Koore oo difaacaya Madaxweynaha oo lagu eedeeyay inuu jaray dhaqaale ay Madaxweynayaashii ka horreeyay Dadka Madaxtooyada ku xidhan siin jireen, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu taa beddelkeeda Miisaaniyadda Madaxtooyada ku bixiyo Mashaariicda Horumarineed, isagoo Tusaale u soo qaatay Lacag gaadhaysa 500 kun oo dollar oo Wasiir Koore sheegay in Madaxweynuhu ugu deeqay Oodweyne, si Ceelal Biyood loogu qodo.

Wasiirka Biyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhaqaaalihii uu Madaxweynuhu isticmaali jiray waxaan ogahay inuu u isticmaalo inuu horumar Qaranka ku gaadhsiiyo, waa markii koowaad baan u malaynayaa in Bajadka Madaxweynaha Dalka lagu horumariyo, Anigoo wakhti badan soo joogay oo Dawladaha waan la soo wada shaqeeyay. Waxa ka kow ah, Lacagtii Oodweyne loogu deeqay oo Nus Malyuun ahayd ee horumarinta Biyaha, waxa ka kow ah Lacagta Sallaxley oo 3 boqol kun uu Madaxweynuhu ku darayo, 2 boqol oo kuna Miisaaniyadda Wasaaradda ayay ku jirtaa, waxa ka mid ah laba boqol iyo konton kun oo dollar ah oo ah Ceelka aanu Botor ka qodnay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxa laga yaabaa in Madaxweynuhu awoodayo inuu lacagtaa shaqsiyaad u qor-qoro, laakiin (wuxuu gartay) inay ka habboon tahay in Bulshada wax loogu qabto, waxaan qabaa inay tahay Tallaabo hore loo qaaday.” ayuu yidhi

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.