Maxamed Mursi oo geeriyooday isagoo Maxkamad saaran

Qaahira (Aftahannews)- Madaxwaynihi hore ee dalka masar maxamed mursi ayaa geeriyooday isagoo jooga maxkamad la horkeenay maanta oo isnin ahayd. Sida uu ku waramay telefishanka dawaladda Masar.

Marxuum Mursi oo 67 jir ahaa, ayaa la sheegay inuu suuxay intii dhagaysigu dacwadiisu ay socotay kadib waxaa loola cararay cisbitaalka halkaasi ayuu lagu xaqiijiyay inuu geeriyooday.

“ waxaa uu la hadlayay garsooraha qiyaastii 20 daqiiqo, kadibna wuu suuxay markiiba waxaa loola cararay cisbitaalka halkaasi oo uu ku geeriyooday” ayuu yidhi mid ka xubnaha garsoorka oo warbaahinta la hadlay.

Dacwad oogaha dalka Masar ayaa sheegay in Mursi  geeridiisa la xaqiijiyay 4:50 Galabnimo ee maanta, warbixinta dhakhaatiirtuna waxay muujinaysa in aanay jirin wax dhaawacyo ah oo jidhkiisa Soo Gaadhay.

Mursi,Madaxwaynaha hore ee Maanta geeriyooday waxaa uu  la taacalayay laba anuun oo kala ah  Kosorta ama macaanka iyo xanuun kale oo kaga dhacay kalyaha iyo beerka.

Maxamed mursi ayaa intii uu xabsiga ku jiray waxaa uu ka cawday  dayacaad caafimaadkiisa la xidhiidha oo ay kow ka tahay xaalad xun oo xabsiga ka jirta.

XUQUUQDA AADAMAHA.

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Humar Rights Watch ayaa geeridiisa ku tilmaamantay mid laga “Naxo” balse  gabi ahaanba “lasii  dareemayay ” iyagoo ku eedeeyay dawladda Masar in aanay dawooyin ku filan siinin Mursi si uu xanuunkiisa wax uga qabto.

Mursi ayaa noqday Madaxwaynahii u horeeyay ee Codka shacabka Masar cod ku doortaan. waxa  uu xukunka qabtay sanadkii 2012-kii, markaas oo ahayd sanad kadib kacaankii guga carabta ee soo afjaray talada Xusni Mobaarak oo Masar xukumayay 30 Sano.

AF-GAMBIGII MURSI.

Militeriga Masar oo uu hogaaminayay Taliyihii Ciidanka General  Cabdifatax Al Sisi, Madaxwaynaha hadda talada haya, ayaa  xukunka ka tuuray Maxamed mursi, 2013-kii isagoo hal sano oo kali ah xilka hayay. Isla markiiba xabsiga ayaa loo taxaabay Mursi iyo xubno badan oo ka tirsan ururka Akhwaanu Muslimiin oo hadda laga mamnuucay wadankaasi.

Mursi ayaa wajahayay dacwadda 6 kiis oo kala duwan  waxaana uu xabsiga ku jiray 6-dii sano ee lasoo dhaafay, isagoo lagu xukumay 20 sanadood kadib markii lagu helay eedaynta dilka dad banaan baxayay oo isaga kasoo hor jeeday 2012-kii.

Sidoo kale waxaa  ku dhacay xukun xabsi daa’in ah oo la xidhiidhay  inuu sir qaran u gudbiyay wadanka Qadar ee khaliijka Carabta.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.