Mareykanka oo sheegay in 2.2 Milyan oo Soomaali ahi abaar waajahayaan

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Abaarta ka jirta Soomaaliya ay saamaynayso Dad ka badan 2,200,000 kun Ruux.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo u warramay Warbaahinta Dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dawladdiisu diyaar u tahay Dadka Abaartu samaysay ay taageerto oo ay Caawimo soo gaadhsiiso.

Safiirku taa beddelkeeda wuxuu sheegay inay Soomaaliya ka rejo badan oo dhinaca Mustaqbalka ah, Dawladduna ay u babac dhigo karto dhibaatooyinka jira.

Safiirka oo wax laga waydiiyey sida loo hir-geliyay deeq gaadhaysa $900,000,000 (Sagaal Boqol oo Milyan oo Dollar), oo uu Maraykanku ballan-qaaday Sanadkii hore, ayuu kaga jawaabay “Tani waa arrin aad muhiim u ah, Soomaaliya ma ay helin wax badan oo caawin ah oo ay isticmaasho wakhti dheer, laakiin Sanadihii dambe waxaa aad u kordhay kaalmada la siinayo, keliya gargaar Bini’aaddannimo ma aha, sidoo kale waxaan wax ku bixinaa Waxbarashada, sababtoo ah aqoontu way horumarisaa wax walba, wax barshada si guud waa furaha horumarka dhaqaalaha ”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.