Sucuudiga oo Iran ku eedeeyay weerarkii Maraakiibta Shidaalka

Jeddah (Aftahannews) – Dhaxal-sugaha koowaad ee Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ku eedeeyay inay ka qayb-qaadatay Weerarradii lagu qarxiyey Maraakiibtii Shidaalka sidday ee lagu weerarray Biyaha badda Cumaan.

Qaraxyada lagu weerarray labada Markab ee Shidaalka Khamiistii Toddobaadkii hore, ayaa noqonaya Weerarkii labaad ee bil gudaheed ka dhaca goobta Istaraatiijiga ah ee ay Maraakiibtu isaga gudbaan, xilli muran ka dhexeeyo Maraykanka iyo IRAN.

“Annagu, Dagaal lama doonayno Gobolka, laakiin waxaanu ka hor tagaynaa wixii dhibaataynaya Dadkayaga, Madax-bannaanidayada, Sugnaanshiyaha Xuduudahayaga iyo danahayaga..” ayuu yidhi, Maxamed Bin Salmaan oo u warramay Asharq al-Awsat.

Dhaxal-suguhu wuxuu sheegay oo uu IRAN ku eedeeyay in aanay qaddarin Booqashadii Raysal-wasaaraha Japan ku tagay Tehran maalintii uu dhaacayey weerarka Maraakiibta lagu qaaday “Taliska IRAN ma Qaddarin Joogitaankii Raysal-wasaaraha Japan uu ku booqanayey Tehran, waxayna dedaalladiisii diblumaasiyaddiisii kaga fal-celisay inay weerarto labada Markab, kuwaasi oo midkood ahaa Japaniis..” ayuu hadalkiisa ku daray Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.