Abwaankii Curiyey Heesta ‘Aan Maallo Hasheena Maandeeq’ oo geeriyooday

Hargeysa (Aftahannews) – Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday abwaankii weynaa ee Saxardiid Maxamuud Cilmi oo ku magac dheeraa Saxardiid Jebiye.

Saxardiid Jabiye waxa uu 1938-kii ku dhashay magaalada Hargeysa, wuu ku barbaaray waxaanu maanta ku geeriyooday isla magaalada Hargaysa.

Abwaan saxardiid waxa uu ahaa hal abuur hibo gaar ah u leh tirinta maansada iyo falkinta codadka heesaha lagu qaado. Laxanno badan oo caan ah oo weliba kuwa loogu jecelyahay codadka Qaraamiga ah ayuu magaciisu ku suntanyahay.

Saxardiid wuxu halgan dheer oo af iyo adin ba leh kaga qayb galay halgankii xorriyad doonka ee gumaystihii Ingiriiska ay shacabkii Somaliland kaga soo horjeedeen. Waxaanay sugaantiisu waayadaa ka mid ahayd tii shucaaha xorriyad doonka ifisay ee Soomaalidii kale ee Geeska Afrika ku saaqday dareenka ummadnimo iyo xorriyada labada.

Heeso badan oo wadani ah ayuu curiyey waxaana ka mid ah oo had iyo goor carrabka Soomaalid ku dikriyaa heeska caanka ah ee An Maallo Hasheena Maandeeq, taas oo uu laxankeeda lahaa isna Allah ha u naxariistee Cabdillaahi Maxamuud Xirsi oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Qarshe.

Barbaarkiisii iyo bilawgii fanka

Allah ha u naxariistee Saxardiid Maxamuud Cilmi wuxu ku hano qaaday magaalada Hargeysa oo uu ku dhashay, waxaanu noqday dirawal.

Markaa uu shaqada bilaabay waa marka hal abuurkiisu soo baxay ee ugu horrayn ay dhegaha ku culan jireen intii ay isku xirfadda ahaayeen oo keli ahi.

Saxardiid oo ka hadlayey markii ugu horraysay ee suugaantiisu wada gaadho bulshada ee ay soo dhaaftay intii ay xirfadda iyo kaftan wadaagga ahaayeen ayaa yidhi “wixii qarsoonaa ee aan dee iska odhan jiray uuni way fara badnaayeen, laakiin markii codkaygu soo baxay ama ta’liiftaydu soo baxday waxay ahayd riyaawad aan sameeyey oo la odhan jiray ‘Gardiid waa Alla diid’ riwaayaddaa Maandeeq baa ku jirtay sagaal iyo kontonkii.”

Allah ha u naxariistee Saxardiid Jebiye waxay isku jiil ahaayeen oo ay fanka iyo suugaanta dhidibbo u wada ahaayeen hal doorkii casriyeeyey suugaanta Soomaalida ee hogaanka u qabtay fanka casriga ah.

Waxa uu ka mid ahaa kooxdii Walaalaha Hargeysa ee muusiga ku ladhay heellooyinkii Soomaalida ee fanka casiraga ah ballaysimay.

Abwaanadii ay mar wada kacaameen ee ay wada shaqayn jireen waxa ka mid ahaa, Allah ha u wada naxariisto dhamaantood e, Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Barkhad-Cas, Cabdillaahi Qarshe iyo rag kale oo badan.

Heesaha uu tiriyey Saxardiid Jebiye hooballadii qaaday ee soo bixitaankooda uu gacanta ku lahaa waxa ka mid ahaa Cismaan Maxamed Cabdikariin oo ku magac dheeraa Cismaan-gacanlaw, Xaliimo Khaliif Cumar oo ku magac dheerayd Magool, Axmed Muxumed Good oo ku magac dheeraa Shimbir, Hibo Maxamed oo dhamaantood ahaa hal doorkii hooballada Soomaalida.

Qaraamka iyo qaybtiisii

Allah ha u naxariistee Saxardiid Jebiye kuma koobnayn curinta suugaanta oo keli ah e waxa uu xataa qayb libaax ka qaatay kobicii heesaha casriga ah ee Soomaalida.

Heesaha Qaraamka ah oo ah kuwa aan had iyo goor laga xiise goyn la’aantooda aan muusig Soomaali leedahay hano qaadeen ayaa waxa uu Saxardiid ku lahaa gacan weyn oo suurto gelisay hore u socodkoodii erayaa iyo codadkaba.

Laxannada lagu qaado heesaha Qaraamiga ah oo aad u faro badan, oo weliba waayadii hore ilaa haatan dadka sida gaarka ah u dhuuxaa codadka lagu qaado aanay odhan laxan ee ay adeegsadaan eray waayadaa u gaar ahaa oo ah ‘sawd’ ayaa Saxardiid kuwa ugu mucda weyn ee maanku aanu ka go’in lahaa curintooda.

Hoobalka Maxamed Maxamuud Cige oo ku magac dheer Busi oo ayaa yidhi “codadka Qaraamka ee uu Saxardiid Jebiye allifay waxa ka mid ah sawdka Murug oo saddex siiqo oo kala duwan loogu luuqeeyo iyo sawdka kale ee Kaar oo dhammaantood ka mid ah kuwa ugu macaan codadka Qaraamiga.”

Allah ha u naxariistee abwaan Saxarxii Maxamuud Cilmi beryahan ba wuxu u jiifay xanuun waxaana dhawaan lagu qalay Cisbitaal ku yaal dalka Turkiga oo lagu soo dabiibay. Waana xanuunka uu manta u geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray qoyskii marxuumka iyo guud ahaan ba ummadda Soomaalida ee uu ka baxay Abwaan Saxardiid Jebiye, waxaanu marxuumka ku sifeeyey Abwaan qaranka ka baxay oo si weyn loogu xasuusan doono taariikhdii ma guurtada ahayd ee uu ku lahaa fanka iyo suugaanta gaar ahaanna doorkii uu ka qaatay xornimo doonkii.

Allah ha u naxariistee maanta gelinkii dambe ayaa abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi lagu aasay magaalada Hargeysa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.