Dad Shacab ah oo Gaalkacyo lagu dilay Gaalkacayo iyo Xildhibaannada Aqalka Sare oo ka hadlay

Gaalkacayo (Aftahannews) – Toban Qof oo Shacab ah, ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dilkaas argaggaxa leh cambaareeyey Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale shacabka ka tacsiyadeeyay dadkii lagu dilay Magaaladaas.

Xildhibaanada ayaa Maamullka Galmudug ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayay ugu baaqeen in ay is-dajiyaan oo aanay xaalada uga sii darin.

Dhinaca kale warar Faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dilka 9 qof oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed la sheegay inay ka cadhaysan yihiin dilkii sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkaasi.

Waxaana wararka ay sheegayaan in dilka dadkan uu yimid kaddib markii Kooxo hubaysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen xalay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad suggida Galmudug oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed, balse markii danbe maleeshiyaad aan haybtooda la garanayni ay toogasho ku dileen 9 qof. 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.