Berbera: Lix Meheradood oo mar keliya gubtay

Berbera (Aftahannews) – Lix Meheradood oo kuwa yaryar ah ayaa ku gubtay Suuqa la yidhaahdo ‘Dibiga iska eeg’ ee Magaalada Berbera Maanta gelinkii hore.

Dabka ayaa dhammaan baa’biiyey lixda Meheradood oo intuba isku garab yaallay.

Meheradahan oo bakhtiintooda ay ka qayb-qaateen Gaadiidka Dab-damiska iyo qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Berbera iyo weliba Masuuliyiin uu Maayarka Berbera ka mid yahay, ayaa waxa ka hadlay Xubno ka mid ah Dadkii Meheradahaasi lahaa, waxayna sheegeen in dabkaasi uu Meheradahoodii baa’biiyey, balse aanay jirin wax khasaare nafeed ahi.

Saado Maxamuud Nuur oo ka mid ah Dadka Meheradahoodii ka gubteen warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay “Waxaanu ahayn Dadkii Meheradahan lahaa, Cidna nagagamay dhimanin, laakiin Meheradaha wixii yaallay way ku dhamaadeen..” ayay tidhi.

Haweenay kale oo Magaceedu yahay Kowsar Saleebaan Maxamuud oo iyaduna ka hadashay Masiibadan ayaa tidhi “Waxaan ku jiraa Gurigaa dhagaxa ah ee gubtay, Aniga Alaabtii igama gubanin, laakiin Gurigii wuu shuf belay, Meheradahana ugu yaraan lix Meheradood oo Maqaaxiyo iyo Tukaamo ah baa gubtay.”

Gabadh kale ayaa ka warrantay siday wax u dhaceen “Aniga oo Madbakha Laxoox ku dubaya ayuun baan arkay Gurigoo gubanaya, kii ugu xigayna wuu gubtay..” ayay tidhi.

Maayarka Degmada Berbera oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu wax la qaban doono Dadka Meheraduhu ka gubteen “Sidii dhaqanku ahaa marka Masiibadan oo kale dhacdo diyaar baanu u nahay inaanu la qabano wixii aanu u qaban karno..” ayuu yidhi.

Maayarku wuxuu ka hadlay waxa gubay Meheradahan “Dhimbiil yar oo dab ah ayaa intaas oo dhan gaadhsiisay, intaas oo Meheradood ee is daba yaalla..” ayuu yidhi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.