Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya kee buu Faa’iido u leeyahay labada dal wakhtigan?

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO

Muqdisho/Nairobi (aftahannews):- Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalaka Soomaaliya iyo Kenya ayaa wali taagan, taas oo salka ku heyso muranka xuduud badeedka labada dal. Kenya oo xarun u ahayd hay’ado badan oo Soomaaliya ka howlgala ayaa hataan u muuqata in saameyntaas aysan ahayn sidii hore.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Inta badan hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ayaa markii hore fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse amniga magaalada Muqdisho oo aan ahayn sidii hore iyo caddaadis uga yimid dowladda soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in uu sababay in hay’ado badan ay xafiisyo ka furtaan gudaha dalka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo burburkii dowladdii dhexe kadib howla badan ay kaga xirnaayeen Kenya ayaa haatan la dareemayaa in aysan saameyn badan kala kulmin khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

Hay’adda Duulista Hawada

Horaantii sanadkii 2018-kii, dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay shaqaalihii hay’adda duulista hawada Soomaaliya, kuwas oo ka howgali jiray magaalada Nairobi, balse haatan laga maamulo magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA FARMAAJO IYO MADAXWEYNAHA KENYA UHURO

Arrinkan oo soo billowday sanadkii 2016-kii ayaa xilligaas waxaa dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay qalabka maamulka hawada, waxayna arrintaas dowladda Federaalka ka caawisay in aysan Kenya u daba istaagin maamulka hawada.

Hay’adaha ka howgala Soomaaliya

Hay’ado gargar iyo kuwa kale oo badan ayaa in muddo ah ka howlgali jiray gudaha Soomaaliya, kuwaa oo xaruma waaweyn ku lahaa dalka Kenya. Hay’ado badan ayaa arrintaas u sababeyay xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ee Dowladda Federaalka oo sanadkii aynu soo dhaafnay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku amreen dhamaan hay`adaha caalamiga ah ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya ee deggan meel ka baxsan dalka inay ku soo guuraan muddo 90 cisho gudahood ah. Qorshahaas ayaa waxaa soo jeedisay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka wasaardaas, Jamaal Maxamed Xasan, oo bishii Agoost ee sanadkii hore kulan la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawl-gala ayaa wuxuu ku war-geliyay go’aanka dowladda, si bisha Janaayo ee isla sanadkan ay uga shaqo bilabaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xiligaas sheegay in hay’addii u hogaansami wayda go’aanka dawladda lagala laabanayo ruqsadda. Inkastoo hay’ado qaar ay wali xarumo ku leeyihiin Kenya ayaa haddana waxaa muuqata in arrinkan uu qeyb ahaan dhaqan galay, dowladda Federaalka na ka caawisay inay ka maaranto howla badan oo kaga xirnaan lahaa magaalada Nairobi.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan ururrrada bulshada rayidka ah ayaa xiligaas BBC-da u sheegay in arrintan ay tallaabo wanaagsan tahay, sababtuna wuxuu ku sheegay:

“Labo ujeeddo ayaa laga leeyahay in hay`adaha ay u soo guuraan gudaha dalka, mid waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay shaqo helaan, tan labaadna waa in laga warqabo howlaha ay hay`aduhu hayaan, sidaas darteed haddii aan nahay ururrada bulshada rayidka ah waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri.

Isku xirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale

Maadaama Soomaali badan oo ku kala nool dalalka caalamka ay inta badan booqdaan dalka, ayaa haddana waxaa ku adkaan jirtay inay helaan duulimaad toos oo isku xira Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, waxaana inbadan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ay ku qasabanaayeen inay ku hakadaan magaalada Nairobi, si ay u tagaan dalka.

Hasayeeshee arrintaas ayaa sanadihii dambe meesha ka baxday, kadib markii shirkadaha dulimaadyada ee Turkish Airline, Ethiopia Airline iyo Jabuuti Airline ay bilaabeen dullimaadyo toos ah oo isku xira dalalkaas iyo caalamka intiisa kale.

Safaradaha u wareegay Muqdisho

Walow safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya ay wali dal ku galka ka bixiyaan Kenya, haddana safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay ka howgalaan gudaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku goaamiyaan howlaha ay ka wadaan gudaha dalka iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Safaaradahan oo markoodi hore xarumo ku lahaa magaalada Nairobi ayaa safaro qorsheysan ku tegi jiray Muqdisho, balse haatan waxay xarumo ay ka howlgalaan ka furteen Muqdisho, taasi oo yareysay in hay’adihii dowladda Fedraalka ee ay wada shaqeynta kala dhaxeysay safaaradahaas ay usoo safraan kenya.

Arrimaha kor ku xusan oo is biirsaday ayay dadka qaar qabaan in xiriirka xumaaday ee dalaka Kenya iyo Soomaaliya uu kusoo aaday xili fiican, waxaana su’aashaasi aynu weydiinay Ciid Badal oo ka faalooda arrimaha diblomaasiyadda.

“Haa xilli Soomaaliya u fiican bay kusoo aaday. Hadii Soomaaliya hab diplomadiyeed si fiican ugu cayaartana, guulo waa weyn baa usoo hoyan kara, sababtuna waxay tahay hay’addii duulista hawada oo Muqdisho loo wareejiyay, hay’adihii Qaramada Midoobay oo intooda badan haatan ka howlgala gudaha dalka, duulimadyada taga Muqdisho oo aad u batay”, ayuu yiri Ciid Baddal.

Ciid Baddal ayaa sidoo kale sheegay in Kenya wali aanan looga maarmin waxyaabo badan oo ay kamid yihiin ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, ganacsiga labada dal, shirkadaha Soomaalida ee ka howlgala Kenya, isu socodka shacabka labada wadan iyo xirfadleyaasha ka howlgala Soomaaliya ee Kenya laga keeno.

Wuxuu intaa raaciyay in haddii Soomaaliya aysan u hirgeli lahayn arrimahaas oo dhan, ay Kenya waxbadan ka caawin lahayd. “Soomaaliya waxay ku qasbanaan lahayd inay oggolaato in Kenya ay meel-marsato danaheeda, maadaama markaas Soomaaliya aysan lahayn awood ay danaheeda ku difaacato”, ayuu raaciyay.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu xumeyd, oo waxay dowladda Kenya u yeeratay safiirkii u jooga Muqdisho, halka kan Soomaalida na ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto.

Arrinkan oo uu soo dhex-galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa markii dambe wuxuu labada dal ku qanciyay inay soo celiyaan xiriirkii labada dal, waxaana xigay tallaabooyin dowladda Kenya ay qaaday oo ay kamid tahay hakinta duullimaadyada tooska ee labada dal.

Hogaamiyaha aqlabiyadda barlamaanka ee Kenya, Aadan Barre Ducaale oo maalin kahor ka hadlay xiriirka sii xumaanaya ee labad dal ayaa ugu baaqay labada madaxweyne in arrimahan ay xal ka garaan.

Xigasho BBCSomali.com.