Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalkeenna iyo dadkeenna u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliya oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka.
“Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.”
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go’aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feedhka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.