Somaliland oo Shaacisay inaanay Dugsiyada Badhan qaarkood ka qaybgelayn Imtixaanka 2019-ka

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in laba dugsi oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla degmada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland aanay ka qaybgeli doonin imtixaanka shahaadiga ah ee 15-ka bishan dalka ka qabsomi doona, ka dib markii ay ardayda labadaas dugsi u fadhiisteen imtixaan uu qaaday Maamulka Puntlnad.

Sidoo kale, Wasiirka waxbarashadu waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Dugsigii farsamada gacanta ee magaalada Buco oo la doonayey in la dhiso kharashkii lagu dhisi lahaa loo soo wareejiyey dhinaca magaalada Hargeysa, waxaanu Wasiirku meesha ka saaray jiritaanka wararkaas, isagoo ku dooday in labada dugsiba la dhisayo, wax loo kala wareejiyeyna aanay jirin.

Haddaba, Warka Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.