Maxkamad Dembi Dil iyo Kufsi Gabadh yar ah ku heshay Lix Nin

CADHO MUUJIN
CADHO MUUJIN

Bunjaab(aftahannews):- Cadho iyo xaalad aan degganeyn oo ka jirtay maamulka Hindiya ee dhinaca Kashmiir, ka dib waxaa maanta Maxkamad la soo taagay lix qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhimashada gabar yar oo muslim ah oo hal sano ka hor lagu dilay halkaasi.

CADHO MUUJIN
CADHO MUUJIN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxkamad ku taala dalka Hindiya, gaar ahaan gobolka Bunjaab magaalada Srinagar, ayaa dacwad la xiriirtay dil iyo kufsi ku heshay 6-ruux oo Gaangiistarro ah oo sanadkii tagay ka dambeeyay dhimashada Gabar 8-sano jir ah oo ka soo jeeda Muslimiinta Kashmiir.

Falkaasi dilka iyo kufsiga ah oo sanad ka hor ay geysteen 8 ruux, ayaa warku intaa ku daray In 6-ka mid ah sadeeddaasi ruux lagu helay dambiga, waxaana la filayaa in ku dhawaaqdo xukunka Raggaasi sharciga dalkaas ka mutaysteen oo illaa heer dil ah.

Gabadha yar oo la tilmaamay in ay aheyd 8-sano jir reer baadiye ah, ayaa sanad ka gor meydkeeda laga helay xaafadda Kathua ee maamulka Hindiya ee Kashmiir.

Xigasho Hiiraan.com.