Wasiirka arrimaha dibedda Norway oo Safar ku timi Muqdisho iyo Nuxurka Kulan Madaxda dhex-maray

Raysal-wasaaraha SOOMAALIYA OO Qaabbilay Wasiirka arrimaha dibedda Norway 2019 Muqdisho
Raysal-wasaaraha SOOMAALIYA OO Qaabbilay Wasiirka arrimaha dibedda Norway 2019 Muqdisho

Muqdisho(aftahannews):- Wasiirka Arrimaha dibedda Norway Ine Eriksen Soreide, ayaa maanta booqasho hal maalin qaadatay ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, kulanna kula yeesheen Masuuliyiinta dowladda federaalku.

Raysal-wasaaraha SOOMAALIYA OO Qaabbilay Wasiirka arrimaha dibedda Norway 2019 Muqdisho
Raysal-wasaaraha SOOMAALIYA OO Qaabbilay Wasiirka arrimaha dibedda Norway 2019 Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan kula yeeshay gudaha Garoonka.

Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.

Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada dalkaas, horayna madax uga soo noqday Hey’adda NRC.

Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen maamul goboleedyada.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.