Khabiir Kashifay Qorshe Wasaaradda Deegaanka Somaliland kaga Ganacsato Duur-joogta

Hargeysa (Aftahannews) – Cabdi Cali Gadhle oo khabiir ku xeeldheer arimaha Duurjoogta Somaliland, ayaa sheegay in sideed Hareemo-cad (Leopard) ay si hoose u iibisay wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga,taas oo dhowaan la doonayo in dalka laga dhoofiyo.

Sideedan Hareemo cad oo hore looga reebay dad iibsanayey ayaa shirkadan ka baayac mushtaraysa xayawaanka oo wadamada nidaamkoodu jilicsan  yahay si khiyaamo ah uga dhoofisa waxay  dhowaan imanaysa dalka si ay  u dhoofiso  Hariimo cadkaasi si ay uga iibiyaan goobaha xayawaanada lagu hayo.

Cabdi Cali ayaa sheegay inuu khaati ka taagan yahay Carabta dalka u yimaada inay cunaan shimbaraha waaweyn ee Somaliland caan ku tahay, waxaanu xusay inay garab siinayaan siyaasiyiin ay ku jiraan rag Wasiiro hore soo maray iyo odayaal Madax-dhaqameed ah oo ku xidhan Carabtaasi, kuwaas oo cidhib tiraya duurjooga.

“Maalin walba waxaanu isku haysana duur joogta Carab rag waaweyn oo wadanka caan ka ahi ka iibinayaan, laba jeer Madaxweynaha Somaliland ayaan uga mahad naqayaa oo anigoo hor taagan oo is haysana uu ogaaday oo uu labadaasi jeer ba wax ka qabtay, mar waxay ahayd Carab dilay shimbiro waaweyn ee Soomaalidu u taqaan  jugley (Kori Bustard), waxaana isoo sheegay dadka deegaanka, markii aan dul tagay waxa isku qabsanay Wasiir Carabta la socda, anago sidii isku haysana si uu Madaxweynuhu ku ogaaday mooyee waxa noo yimid gaadhi ciidan ah oo dhamaan Carabtii iyo dadkii caawinayey ba xidhxidhay, ka dibna Carabtii la mustaafuriyey”ayuu yidhi Cabdi Cali.

Dhinaca kale, isagoo ka hadlaya Carab ay isku qabsadeen iyagoo ugaadhsanaya shimbiraha waxa uu yidhi “ maalin kale Carab diyaarad wadatay oo madaarka ka soo degtay oo aad u faro badan baa doonaysay inay shimbiro badan qaataan, markii la isoo sheegay waxaan tagay halkii ay joogeen, waxa waday safiirkii hore Imaaraadka ee dhowaanta la  bedelay, anagoo sidii isku haysana waxa noo yimid Badhasaabka gobolka Saaxil oo Madaxweynuhu amar soo faray in aan xawaanka duur joogta ah aanay Carabtasi dili Karin balse dalxiisi karaan dhulka, ka dibna sidii bay Carabtii ku noqotay, labadaasi jeer Madaxweynaha isoo gurmaday anigoo is hor fadhinna”.

Cabdi Cali waxa la shaqeeya dadka deegaanka oo telefoonadiisa haya si ay ugu soo sheegeen wixii Ajanabi guranayo, taas ayaa keentay inuu mar walba kormeer ku maro deegaanno kala duwan.

“Xeerka Somaliland wuxu sheegayaa in Mulluca xayawaanka illaa ka ugu weyn aan dalka laga dhoofi Karin, sidaas darteed, waxaan Madaxweynaha u sheegaya in sideedda Hareemo cad ee la dhoofinayo ee lagugu sheegay in lagu daryeelayo Koonfur Afrika oo lagu xanaanaynayo in aanay waxba ka jirin ee la kala iibsaday, koonfur Afrika lafteedu ma ogola in Hareemo cad aan kooga ahayn u yimaado maadaama oo koogii ka dhaqan bedelmayo marka uu tago hareema cad dal kale laga keenay, marka Madaxweynaha  waxba kama jiraan in halkaasi lagu xanaaneenayo ee shirkadaha iibsanaya ee waxaan ka doonaya inaad joojiso oo sideedda Hareemo cad ee wasaarada deegaanka jooga aanad ogolaan in la dhoofiyo”.

Cabdi Cali waa nin sita dhalashada Maraykanka, waxaana ku xidhan dalxiisayaasha reer galbeedka, kuwaas oo uu daawadsiiyo dugaaga dalka Somaliland jooga, waxaanu wax ka qoray xawayaanka kala duwan ee ku nool geeska Afrika.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.