Somaliland oo shaacisay in Caarre dalka dhoofayo, Ciidammadii Raacayna soo noqdeen

Hargeysa (Aftahannews) – Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiim-baro) ayaa sheegay in Ciidammadii Qaranka Somaliland ee hore ula socday Kornayl Caarre ay dib u soo noqdeen.

Badhasaabka oo Maanta Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayuu sheegay in Ciidammadii la socday ay dib u soo noqdeen, inkasta oo aanu sheegin Cidda soo celisay ee ka shaqaysay inay ka tanaasulaan Mowqifkoodii hore.

Guddoomiye Tim-baro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Caarre Ciidankiisii waa la noo soo celiyey, isaguna shakhsi ayuu noqonayaa.”

Maxamed Tiim-baro waxa kale oo uu sheegay in Caarre uu Tiknikadii uu watay uu meel ku xeraystay, isaguna dalka ka dhoofayo “Tiknakadiina meel buu ku xeraystay, isagana waxa laga yaabaa inuu dhawaan innaga dhoofo…”ayuu yidhi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.