Itoobiya: Deegaanka Soomaalida oo kala badh iyo dheeraad ka helaya khayraadka dabiiciga ah ee dalka

Addis Ababa (Aftahannews) – Baarlamanka federaalka Itoobiya ayaa ansixiyey xeer qabyo ahaa oo hor yaallay golaha. Waxaanu yahay xeerkaa goluhu ansixiyey xeerka qaybisga khayraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, waxaana sidaa ku waramay telefishanka Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Xeerka goluhu ansixiyey wuxu dhigayaa in gobolkii laga helo wax khayraad dabiici ahi ku leeyahay 50 %, Dawladda Federaalkuna ay leedahay 25% iyada oo weliba deegaankaasi boqolkiiba shan iyo labaatankaa ay Dawladda Federaalku heshay wax ku leeyahay. Inta soo hadhay oo ah 25% si gaarna loogu qoondeeyey deegaannada dalka oo dhan.

Hadaba sida xeerkaa la ansixiyey wax u qoondeeyey waxa ay ka dhigantahay in Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo dhawaan laga helay gaaska dabiiciga ah iyo shidaalba uu qayb libaax ka helayo qaybsiga khayraadkaa laga helay gobolka Soomaalida.

.

Marka la sii balballaadhiyo ee lagu saleeyo xeerkaa la ansixiyey waxa gobolka Soomaalidu ka helayaa shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaannadiisa in ka badan kala badh dakhliga ka soo xaroon doona shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ba.

Taas macnaheedu waxa weeyi in gobolka Soomaalida dalka Itoobiya xaq u yeelanayo in uu helo 50% u gaar ah iyo weliba saami kale oo uu ka helayo badhka kale ee Dawladda Federaalka ah iyo gobollada kale ee dalku qaybsanayaan.

Xildhibaannada golaha baarlamanka federaalka ugu jira Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo masuuliyiinteeda kaleba waxay ku doodeen in xeerkaa la ansixiyey uu dhaqan galo oo lagu saleeyo miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2012-ka ee tirsiga Itoobiya. Hase yeeshee waxa la isku raacay in xeerkaa la ansixiyey si buuxda loo dhaqan geliyo sannadka ka dambeeya ee 2013-ka ee tirsiga Itoobiya.

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in shirkad ka shaqaysa wax soo saarka tamarta oo laga leeyahay Ingiriiska oo la yidhaa New Age African Global Energy Ltd ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay gaaska dabiiciga ah oo xaddigiisu gaadhayo 1.6 Trillion Cubic Feet.

Waxaanu wasiiru dawlaha macdanta iyo shidaalka Itoobiya, Guang Tulam, oo waraysi siiyey wargeys dalkaa ka soo baxaa yidhi “Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii gaaskaa dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon ee lagu suuq geyn karo.”

Go’aankaa ay xukuumadda federaalka ah ee Itoobiya ku gaadhay in shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida ayaa waagaa, waa intii aan xeerkan cusub ee haatan la ansixiyey soo bixine, waxa dhaliilay ururka ONLF oo sheegay in marka hore ay ma huraan tahay in la xalliyo khilaafaadka jira.

Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, oo arrintaasi ka hadlay wakhtigaa ayaa yidhi “Iyada oo aan la xallin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ah ee dhex taalla Soomaalida Ogaadeeniya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waanan diidannahay.”

Si kastaba ha ahaatee, xeerkan cusub ee la ansixiyey ee qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, ayaa sida uu u qaybiyey khayraadku ka duwan tahay sidii markii hore dadku u haysteen oo ahayd in aan Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya wax buuran ka heli doonin khayraadka gobolka Soomaalida laga helay.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.