Ingiriiska oo xarun Ciidammada lagu tababbarayo ka furay Soomaaliya

Baydhabo (Aftahannews) – Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul-gobolleedka Koonfur Galbeed ka furtay Xarun lagu tababbari doono Ciidammada Soomaaliya.

Xaruntan ayaa waxa loogu talo-galay in Tababbarro lagu siiyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya si ay Mustaqbalka ula wareegaan Amniga guud ee Dalka, qaadaana Masuuliyadda Xasiloonida.

Ingiriiska Oo Xarun Ciidammada Lagu Tababbarayo Ka Furay Soomaaliya

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay ujeeddada Xaruntan loo hirgeliyey tahay in lagu horumariyo Ciidammada Amniga oo la doonayo inay mustaqbalka si buuxda u Xasiliyaan Dalka.

Soomaaliya waxa awood ku leh Kooxo Islaamiyiin ah tobannaan sanadood, kuwaasi oo ay ka mid tahay Kooxda xulafada la ah Al-qaacida ee Al-shabaab.

Kooxdan argagixisada ahi waxay dishay Kumanaan Dad ah, Malaayiina way barakicisay.

Bulshada Caalamka ayaa Soomaaliya Ciidammo, si ay uga caawiyaan la dagaalanka argagixisada, UK, Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa qayb ka ah kooxaha hawl-gallada ka wada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.