La’aantay lama guurin! Qalinka: Barkhad M. Kaariye

SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

Qof waliba wuxuu ku mashquulsan yahay furista, dejinta iyo sal-u-dhigidda geeddiga. Waayeelku wuxuu inta jilicsan ka dejinayay rati iyo gaadiid wixii lagu siday. Haweenkuna ilo-xidhka guryaha iyo basrinta wixii baylah taallay ee ‘Geeddigu’ lahaa. Xeryo-oodka iyo maareynta xoolaha, ayaa barbaarta iyo ragga reerku iyana dhinacooda haystaan.

SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qof waliba wuxuu ku tuntuunsaday hawshii kaga soo hagaagtay dejinta geeddiga, ha yeeshee, halkii uu hees-hawleed iyo suugaanta lagu yaqaanno hawl-is-dhaafinta iyo cuskashada maaweelada nafta uu adeegsan lahaa, waxa maskaxdiisu ku maqan tahay dhibta geeddigii la soo maray iyo hayaanka dheer ee riiqdiisu taagan tahay.

“Mooge mee?” ayuu cod daal badani ka muuqdo ku yidhi mid ka mid ah barbaartii hawsha dhinacooda ka waday, isagoo baallihiisa daymoonaya oo u eg inuu tebayo cid uu u arkay in mashaqada geeddiga wax uun ka tari lahayd. “Ma Mooge?” ayuu yidhi Waayeel oo odayga reerka ahi, “Warba ma hayo oo wuu danaystay!” ayuu ugu jawaabay “Ee qof walowba geestaada baylahda ka gufee, haddaynu ka hagar-daamo la’aannaba!”

SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

Waxa la soo guurey geeddi aan wali mid la mid ah hore loo gelin, marka la eego daalka, diihaalka, dhibta iyo hawsha uu leeyahay. Haddii maalmo geeddigu socon jiray, bilo iyo sannaddo ayuu soo socday. Haddii degel iyo deegaan looga guuri jiray abaar, waxa geeddigan soo raray xero wada qaniin iyo bahallo-galeen ah, xoolo wada caato ah baad la’aanna tiicaya iyo abaar gaag-ma-reebto ah oo dub iyo diir dadka isku dhejisay. Waxay bideen in dad iyo duunyo intii baxday mooyee, inta nool uun in la caymiyo!

Muddo markii la deggenaa ee qof waliba ka soo doogayo wixii diihaal soo gaadhay, xooluhuna kambal-daaq yihiin, walow marar barwaaqada awgeed bahal xoolo-qaad ahi si teel-teel ah u soo weeraro, ayuu goor gabbal-dhac ku dhaw oo xoolihii la soo hooyay, qaarkood la maalayo, ardaagana ragga badankiisu fadhiyaan, jiho koonfur qumman ah laga arkay hummaag qof. “Waar ma socotaa innagu soo hoyatay?” ayuu Waayeel yidhi. Intii aan jawaab laga bixin weydiintaas, ayuu qofkii oo budka sida uu dhexda u haysto iyo darrandoorriga tallaabada aad mooddo in la soo eryaday, soo gaadhay ardaagii oo isa soo dul taagay.

“Maxaa la sheegay ee lagu soo hoyday?” ayuu ku bariidiyay. “Waar nabad iyo badhaadhe’e, ma Moogaa?” ayuu Waayeel ku celiyay. Isagoo aad mooddo inuu xiiq-tiranayo, ayuu yidhi, “Haa, waa anigii ee bal warrama” inta uu dacalkaa ka soo fadhiistay iftiinkii iyo dabkii baxayay ee ardaaga. Qof waliba isagoo ka dheregsan ujeeddada maqnaanshihiisii, balse aan la waydiin, loona arag nin geeddigii hagraday, ayaa loo dhiibay hadhuub caano xoor leh ka buuxaan oo markaa la lisay. Soo dhaweyn ka dib, sheeko guudmar ah baa haasaawaha caweyskaasi ahaa. Markii dambe na waxa lagu ballamay in qof waliba hawl-maalmeedkii iyo hayaanka nolosha halka uu kaga jiro ku tooso subaxda, sidii caadiga ahayd.

Habeenno aad mooddo inuu Mooge dersayay geeddigii, degannaanshaha iyo sida hawlaha loo kala leeyahay ka dib, waxa habeenkii dambe la isugu yimi ardaagii. “Waanigii idinka maqnaa. Waxaanan ku maqnaana sabab kasta ha ahaatee, waxaan arkaa in la degay. Si wacan baana loo degay.” Ayuu ku ibo-furay hadalkiisii habeenkaa Mooge. “Hase yeeshee, meel halkeer ah waxaan ku arkayay digo-xaadhkii oo lagu tuuray markii la degay! Caynka iyo bayddiina lama daryeelin! Geelu ma cokonna, sababtoo ah hebel iyo hebel baa jirey!”

Habeenkii waxa la kala seexday isaga oo Mooge wax kasta oo qabsoomay dhinaca taban iska taagay! Habeen kale, mid kale, mid ka sii dambeeyay iyo habeenno kale ayaa hawshaasi socotay. Hanad oo ka mid ah daba-dhoonka markaa soo kacayay, habeennadaana dhegaysanayay Mooge warkiisa, ayaa walaalkii oo ka weyn oo ay geela wada jireen subaxdii dambe waydiiyay, “Mooge halkee ayuu innagaga maqnaa intii aynu rafaadaynay?” Isaga oo aad mooddo inuu faahfaahin ka fogaanayo, ayuu ugu jawaabay, “Wuu shaqo tegay?” Shaqo-tag! Isagoon jawaabta ku qancin Hanad, ayuu walaalkii ku yidhi, “Orod oo geela soo dabbaal!”

Habeenkii dambe ayuu halkiisii Mooge ka bilaabay iyadoo la wada fadhiyo ardaagii! Waxase habeenkani kaga duwanaa habeennadii kale, wuxuu biyo-dhacay badheedhihiisii! Waxa dulucda hadalkiisu u dhacaysay ‘Halkii laga soo guurey markii aan idinka maqnaa, innagu celiya wax waliba way qaldameen oo xitaa xerada ayaa si qaldan loo ooday’e!” Markaas ayaa mid ka mid ah raggii ardaaga fadhiyay uu waydiiyay, “Markaa ma waxaad na leedahay; la’aantay lama guurin!” Waayeel oo isku dhegaysanayay baa kacay, dadkii kalena ninba jeeniga laab habeenkaa, subaxdiina lagu kala foof shaqo qof walba wixii u taallay. Jawaabtii Mooge, ficil iyo hadalba, wali waa la sugayaa!

kaariye104@gmail.com

Barkhad M. Kaariye.