Ciyaartoyga Neymar oo la daalaa-dhacaya Fadeexad culus oo soo Food-saartay

Neymar ayaa hadda ku sugan Barazil
Neymar ayaa hadda ku sugan Barazil

Aftahannews (Sports):- Xiddiga Kubbadda cagta ee dalka Brazil Neymar Jr, ayaa beeniyey eedeyn la xiriirta inuu haweeney kufsi ugu geystay magaalada Paris.

Neymar ayaa hadda ku sugan Barazil
Neymar ayaa hadda ku sugan Barazil

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dacwad loo gudbiyay ciidamada booliska ee magaalada São Paulo ayay haweeneyda kufsiga ka cabaneysa ku sheegtay in falkaas uu ka dhacay hoteel ku yaalla magaalada Paris, halkaasoo ay ka dhisan tahay kooxda Paris St-Germain ee uu Neymar u ciyaaro.

Neymar Jr
Neymar Jr

Neymar ayaa isagoo isku dayaya inuu caddeeyo inuusan wax khalad ah sameynin waxa uu baraha bulshada soo dhigay wax uu ku sheegay qoraalladii ay Whatsapp-ka isku weydaarsadeen isaga iyo haweeneydaas.

Ciyaartoga ayaa hadda ku sugan waddanka Brazil, wuxuuna la tababaranayay xulka qaranka oo isku diyaarinaya tartanka Copa América.

Maxay tahay eedeynta?

Sida ku xusan xogta booliska, haweeneyda oo aan magaceeda la shaacinin ayaa Neymar ka baratay barta lagu xiriiro ee Instagram-ka, wuxuuna ka codsaday inay ku kulmaan magaalada Paris.

Wuxuu ka bixiyay lacagta ay ku raacday diyaaraddii ka qaadday Brazil ee geysay Faransiiska, wuxuuna dajiyay hoteel qaali ah oo ku yaalla magaalada Paris.

Markii uu Neymar tagay hoteelka 15-kii bishii May, wuu cabsanaa, sida ay ku eedeysay haweeneyda.

“Markii ay wada hadleen oo ay ismaandhaafeen, Neymar wuu xanaaqay, wuxuuna sameeyay qalalaase, isagoo damcay inuu xiriir jinsi la sameeyo haweeneyda oo aan raalli ka ahayn”, ayaa lagu yidhi qoraalka booliska.

Qoraalka oo lasii amba qaaday ayaa lagu yidhi: “Labo maalmood ka dib, haweeneydii waxay ku laabatay Brazil, iyadoo aan dhacdada ku wargalinin booliska Faransiiska, sababtoo ah aad bay u ciishooneysay waxayna ka cabsaneysay inay arrintan fadeexadda ah ka diiwaan galiso waddan kale”.

Muxuu yidhi Neymar?

Neymar waxaa dhawaan laga xayuubiyay Kabtan nimada xulka qaranka Brazil
Neymar waxaa dhawaan laga xayuubiyay Kabtan nimada xulka qaranka Brazil

Bayaan ay eedeynta ka dib soo saareen kooxda maamulka u ah ciyaartoyga ayey ku cambaareeyeen sheegashada ‘been abuurka ah’ ee lagu fadeexeeyay Neymar, waxayna aad uga caroodeen arrinta foosha xun ee warbaahinta lagu shaaciyay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in haweeneydaas ay dooneyso inay lacag baad ah ka qaadato Neymar, iyadoo ku marmarsiiyooneysa inuu u geystay kufsi.

Neymar qudhiisa ayaa si toos ah uga hadlay arrintan, wuxuuna sharraxaaddiisa ku bixiyay muuqaal 7 daqiiqo ah oo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

Muuqaalka uu soo dhigay ciyaartoygan, oo aan wali guursanin, ayuu soo raaciyay qoraal ku qoran luuqadda boortaqiiska oo micnihiisu ahaa “lacag baad ah oo la iga rabo awgeed, waxaan ku khasbanaaday inaan soo bandhigo arrimaha khaaska ah ee ku saabsan aniga iyo qoyskeygaba”.

Neymar aabihiis oo lagu magacaabo Neymar dos Santos ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay eedeymahan, wuxuuna sheegay inay iska caddahay in arrintani ay tahay dabin.

Neymar diyaar ma u yahay Copa América?

Weeraryahanka kooxda PSG ayaa horay looga xayuubiyay kabtan nimada xulka qaranka Brazil, tallaabadaas oo qeyb ka ahayd ciqaab dhinaca anshaxa ah oo dhawaan la marsiinayay.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ee dalka Faransiiska ayaa xiddigan ka mamnuucay saddex ciyaarood, ka dib markii uu feer ku dhuftay qof taageere ah, markii kooxdiisa ay bishii lasoo dhaafay guul darro kharaar kala kulantay kooxda Rennes oo ay la ciyaarayeen fiinaalka tartanka Coupe de France.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramay inuu qeyb ka ahaa buuq ka dhacay qolka labiska ee ciyaartoyda. Tartanka Copa América, oo ay ku loollamaan dalalka koonfurta Ameerika ayaa Brazil ka dhacaya 14-ka bisha Juun ilaa 7-da bisha Luulyo.

Neymar ayaa talaadadii Tababarka laga joojiyay markii uu jilibka ka gaaray dhaac fudud, lamana xaqiijinin inuu saameyn ku yeelan karo ciyaaritaanka tartanka iyo inkale.

Xigasho BBCSomali.com.