Atoorihii Jilay filimkii ugu caansanaa Dunida oo walwal Cusbitaal u galay

Kit ayaa filimka ku jilayay magaca John Snow
Kit ayaa filimka ku jilayay magaca John Snow

Atoorihii xiddiga ka ahaa filimkii laga daba dhacay ee la magac-baxay Game Of Thrones, Kit Harington ayaa tallaabo u qaaday inuu “tijaabo caafimaad isku sameeyo”, waxaana lagu soo warramay inuu soo wajahay walwal xoog leh iyo culeys dhinaca maskaxda ah.

Kit ayaa filimka ku jilayay magaca John Snow
Kit ayaa filimka ku jilayay magaca John Snow

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Harington oo dhawaan soo gaba gabeeyay filimka lagu tilmaamay kii ugu xiisaha badnaa ugu caansanaa ee abid soo mara dunida ayaa booqday isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Jilaagan – oo filimkaas ku matalay magaca Jon Snow – ayaa dhowr isbuuc kahor lagu billaabat daweynta, sida uu shaaciyay bogga Page Six.

Mid ka mid ah dadka dhanka saxaafadda u qaabilsan jilaaga ayaa idaacadda BBC-da ee Radio 1 u sheegay in Kit uu ku mashquulsanaa “arrimo shakhsiyeed”.

Kit Harington
Kit Harington

Wareysi dhawaan lala yeeshay Kit ayuu ku sheegay “inuu dareen aad u xooggan kusoo kordhay” markii uu jilay qeybtii ugu dambeysay ee filimka Game of Thrones, kaasoo uu kasoo shaqeynayay sideed sano oo lasoo dhaafay.

Siddeed qeybood oo uu filimku ka kooban yahay ayuu ka wada qeyb galay jilaagan, waxaana uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ku jiray filimka.

Wareysi kaas ka duwan oo jilaaga 32 jirka ah lala yeeshay wuxuu ku sharraxay wixii uu dareemay markii uu soo gaba gabeeyay doorkii John Snow ee caanka ahaa.

Wuxuu yidhi: “Maalintii ugu dambeysay ee aan filimka duubay, si fiican ayaan dareemayay… si fiican ayaan dareemayay…. si fiican ayaan dareemayay… kadib qeybihii ugu dambeeyay ayaa jilay, markaas kadib ayaan billaabay inaan xoogaa neef tuuro.

“Kadib waxay ku dhawaaqeen in la gabogabeeyay, aniguna markaas waan ooyay. Waxay ahayd farxad iyo qalbi jab ku saabsan inaan mar dambe sii sameyn doonin filimka”.

Barnaamij laga sameeyay filimkaas gabagabadiisa ayaa lagu soo daray muuqaal laga arkayo Kt oo ilmeynaya markii uu ogaaday in lasoo afjaray doorkiisii.

Kit – oo Game of Thrones ku jiray laga billaabo xalaqadii ugu horreysay ilaa xalaqadii ugu dambeysay ayaa ka hadlay saameynta ay leedahay inuu kaa idlaado filim sidaas u wanaagsan oo aad qeyb ka ahayd.

Kit Harington iyo xaaskiisa Rose Leslie waxay ku kulmeen Game of Thrones
Kit Harington iyo xaaskiisa Rose Leslie waxay ku kulmeen Game of Thrones

“Marka aad muddo 8 sano ah ku dhex jirtid hal nooc oo shaqo ah, waxaad ka heleysaa kaftan iyo farxad badan iyo xaalado kale oo adag intaba”, ayuu yidhi.

“Farxadda iyo kaftanka muddo dheer ayey ii socdeen, waligoodna kama caajisin mana iga dhammaanin, markii uu filimka dhammaaday ayaan is idhi hadda way iga idlaadeen waxaasoo dhan”.

Game Of Thrones ayaa noqday filim dunida oo dhan laga jeclaaday, waxaana fiirsaday balaayiin qof oo ku nool caalamka. Waxa uu filimkan soo billowday sannadkii 2011-kii, wuxuuna dhammaaday bishii May ee lasoo dhaafay.

Xigasho BBCSomali.com.