Wax ka Barro Buurta Dalxiiska Ee Daallo.

Marka aad ku socoto buurta dalxiiska ee daallo waa inaad wax badan kasii fahantaa degaanka aad ku socoto ka hor inta aanad tegin ama booqan siuu safarkaagu u bilnaado xiiso iyo dalxiis ka badan ka aan u war hayna aad usamayso.

Guud ahaan dadku kama wada dheregsana sibuuxdana kuuguma sharaxi karaan goobtan dalxiis iyo qaybaheeda kala duwan xitaa dadka asxaabtada ee reer ceerigaabo ayaan wada aqoon markaa barasho wanaagsan.
Daallo waxay ku taala waqooyi galbeed magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo waxay u jirtaa ku dhawaad 20 kiilomitir. Daallo waxay ka tirsantahay buuraha silsilada Golis waxaanay deris latahay buurta ugu dheer somaliland ee Surud (Surrad).
Ugu horayn safarka daallo wuxuu ka bilaabmaa seeraha galbeed ee ceerigaabo, seeruhu waa dhul beereed badidii beero ah waana xidhiidh beeruhu ilaa aad ka gaadho afaafka buurta ee tuulada Karin-Daallo. Halkani waa halka ay ku kala qayb samaan wadada Dawga Tabca iyo tan buurta Daallo oo u baydha waqooyiga tuulada Karin-Daallo.
Waxa aad bilaabaysaa dhirta looyaqaan xayramadka oo wadada dhinac raacsan, dhir dhaadheer oo looyaqaan Dayib ayaad iyagana arkaysaa halka aad sidoo kale arkayso dhirta geedka Siraadka ( geedka u urta eeg abu-faasta dhaadheer) halkaa waxaad ka bikaabaysaa badweynta dhirta kala duwan ee malaayiinka nooc ah sida: ( Maqaariga waa geedka abeesada dila e, dhosoqa, dhanas, weger, shinnuur, geed gaalka, dhirta milaxda yeelata ee soorta la hoos dhigaa mudo aanay is bedelin iyo kuwo kale ).
Horre usocod dabadeed waxaad isla markiiba soo gaadhaysaa goobta caanka ah ee geedkii ay fadhiisan jirtay ragana ku dhufaani jirty Boqorad Araweeladii Burtiqiiska ahayd. Goobtan Araweelo waa goob caan ah oo dhanka bidix kaga taal wadada marka aynu siisocono, waa goob ay dhagxan badani tuulan yihiin iyo dhir qalashay oo dhagaxa ku dhex jirta ( dhagaxa waxaa ku tuura Ragga oo aar gudasho ahaan ugu dhufta maadaama ay dhufaani jirtay, halka dhirta qalashayna ay yihiin ubaxyo iyo dhir qoyanaa oo ay Haweenku saareen siay taageero ugu muujiyaan.)
Intaa markaad dhaafto socod dabadeed waxaad gaadhaysaa halka ay wadadu markale kusii kala qaybsanto halkani waa isla buurta dusheeda e. Waxay kala noqotaa dhinaca aada laagga caanka ah ee Daallo iyo halka la sheegay inay ahaan jirtay kaniisad ee ay ku yaalaan dhirta looyaqaano Christmas Tree (dhirta ciid masiixiga ama dhir gaaleedka) oo badiyaa laga beero meelaha kaniisadaha ah balse halkani malaha wax raad kaniisadeed ah oo aan ka ahayn dhirtaas oo badhkood la jaray.
Intaa dabadeed waxaad u leexan hadba ka aad ku horaynaso, hadii aynu qaadno jidka aada laagga waxaa kaasoo hor bixi doona xarunta laga ilaaliyo deeganka Daallo maadaama dhirtana dib loo beero biyo qabatinana laga sameeyay waxaana halkaa gacanta ku haya hayada Havayoco oo ka masuul ah, dhismaha ay degenyihiin waaxdaa beeraha iyo hayada dhinacooda galbeed waxaad ku arkaysaa dhisme dunsan oo gidaarada qaarkood sii muuqdaan halkaas oo ahayd gurigii badhsaabka ingiriiska ee ujoogay deegaanka.
Sida aynu ogsoonahayna halkan waa Daallo e waa xaruntii taliska deegaanka sanaag ee ingiriiska ee hadba masuulka yimaadaa degi jiray weliba masuuliyiinta isku buuqana la keeni jirray.
Siisocosho dabadeed waxaynu gaadhaynaa baarkinka la dhigto gawaadhida ee laagga kuyaal halkaas oo digtooni u baahan darawalka ku cusub deegaanka maadama aan laagga la moodin meel banaan.
Halkan laagga ku hareeraysan waxay u qaybsantaa laba dhinac oo kala ah wareega laagga oo aad u qurxoon dhirna leh kala duwan sidoo kalena ah meesha daruuhu kaa hoosaynayaan amaba aad ka arki karto buurta rabshiga ee Badda ku dhextaal waa Badda Degmada Maydh iyo halka labaad oo ah koonfur galbeed inaad u xusho buurta aadna marto dariiq lug keliya ah halkaas oo aad arkayso dhir jiq ah oo aad u qurxoon iyo ceelasha laga waraabiyo xoolaha deegaanka maadaama ay jiraan dad degan deegaanka sarre ee buurtu. Horre waa loosii xuli karaa lana soo baran karaa dabeecad ay yartahay dalxiise booqday ama tegay.
Waxaa ka da’a buurtan roobab aan ka di’in meelaha kale iyada oo dhulku kale uu abaaryahay.
Halkani waa meesha keliya ee booqasho kasta ka duwan sidii horre ee ay ahayd ama aan isku jawi ahayn laba maalmood oo isku xiga.
Daallo waxaa wax ka yidhi oo suugaan kala duwan ku amaanay ama kaga faalooday fanaaniin iyo abwaano tirro aan lahayn.
Daalloo tus helayoo
Intu tumay aroortii
Ay cadceedu tahan
Ay ujirto nin taagi
Hibo nuura
Daallo iyo hawdoo
Daruuruhu ku hooreen
Doogiyo dareemada
Mulacyeeyay daadkii
Nayluhu dardhanayaan
Badhna daafta joogaan
Dumarkuna ayaantaa
Aqal dadabsanooweyn
Kadhiseen duleedkii.
Cumar dhuule
Duhurkiyo habeenkii
Daakiraada subixii
Waxa lay horkeenaa
Inagoo Dalxiisoo
Daallo aynu joogneee
Maandeeq
Ilaa buurti Daallo
Buraan iyo hadaftimo
Ceerigaabo iyo badhan
Beledadii kalgacalada
Shay mirre
Ito sugaan kaloo badan sida gabayga Sanaag ee Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc.
Jawigan heesahan ku xusan midkasii cajiibsan oo naftu ku degayso xasuuso dheerna ku reebaya ayaad Daallo kala kulmaysaa markasta waa meel aan macquul ahayn inaad suuraysato ama qiyaasto aragti la’aan.
Waa Boqorada Dalxiiska Dunida Daallo.
Mar uun soo booqo oo ku dalxiis , hadii aad horre u booqtayna dabaceedan iyo dabiicigan aan ka sheekeeyay ilasoo hubi markale.
Ku xus saaxiib aad la jeceshahay, ehel kaagana kula dalxiis, sidoo kale jacaylada iyo dadkaaga khaaska ah.
W/Q….Eng Ismail M Aden-Dhicir
Mob: +252634094855