Maxaad Ka Taqaanaa Hanti Dhawre Cali Bilyan, Taariikhdiisa Iyo Qaabka Uu Wax U Baadho + Sirta Ka Dhexaysa Axmed Dirir. Q: 5-Aad.

 

 

Cali Bilyan waxa uu hanti dhawrka dhexdiisa ka samaystay kooxo ay isku adeegtaan kuwaasi oo uu ku shaqaysto islamarkaana uu si gaar ah ugu dirto goobaha qoyan ee uu sida gaar ah danta uga leeyahay. Waxa ay kooxahani u fududeeyaan khidadaha layaabka leh ee uu ku caano maalay kuwaasi oo uu iyagana dhaqaalaha kasoo gala wax kasiiyo. Waxa uu sidoo kale iska dhigaa ninka Awood ahaana ugu xiga hanti dhawraha guud ee Qaranka isagoo si toos ah ugu xidhma hanti dhawraha guud islamarkaana ku maala khidaha iyo laaluushka uu kasoo qaado hay’addaha qaranka qaarkood kuwaasi oo uu si bil ah uu lacago dheeri ah uga qaato.

Hanti Dhawrihii hore ee Hay’addaasi xilkeeda soo qabtay Siciid Saleebaan Mire oo ahaa shaqsi aqoon dheeraad ah uleh Shaqada Hanti dhawrka qaranka islamarkaana intii uu joogay dar dar culus galiyay, aadna loo dareemay shaqadiisa ayaa islamarkii uu qabsaday Xafiiskaasi waxa uu Fahmay hanaanka shaqo ee Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxaanu toos ah dagaal ugu qaaday hawl maalmeedkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa shaqo, isagoo shaqo ka fadhiisin ku sameeyay, islamarkaana tusay qaladaadkiisa. Waxa uu Siciid Saleeban Mire ka diiday inuu la wadaago khidadaha xun ee uu muddada dheer kusoo shaqaynayay waxaanu ka joojiyay gabi ahaanba inuu wax ogaado hawl maalmeedka hanti dhawrka iyo shaqooyinkii baadhiseed ee ay sameeyeen wakhtigii uu joogay. Waxa uu sidoo kale ogaaday oo uu si fiican u fahmay Goobo gaar ah oo uu Cali Bilyan ku xidhnaa oo uu maali jiray islamarkaana uu laaluush ka qaadan jiray kuwaasi oo uu Hanti dhawrka kaga gudbanaa.

Baadhisihii U Dambeeyay Ee Uu Cali Bilyan Hormuudka Ka Ahaa.

  1. Waxa uu Cali Bilyan Watay tiimkii baadhay Dawladda Hoose Ee Berbera, waxaana la sheegaa inuu heshiis hoose lagalay Maayar Cabdikariin Cidin Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, isagoo sida la sheegay ka qaatay Lacag iyo dhul cabirkiisu wayn yahay, waxa arintaasi la qaatay oo ay heshiis ku ahaayeen si hoose, Hanti dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir. Waxa Documantigii Dawladda hoose ee Berbera Habeen madaw Hargeysa ka qaaday nin lagu magacaabo Naasir oo ay Hanti dhawre Axmed Dirir Ilmaadeer yihiin. Sidaasi ayaana lagu aasay baadhistii Dawladda Hoose ee Berbera. Berbera waa meesha ugu musuqa badan ee lagu hiigay xoolaha umadda waxaana muuqata sababta loo qariyay baadhistaasi, ee Dokomentiga habeenka loo guureeyay, in Xoolo buuran la waydaarsaday, waxaana hawshaasi fuliyay Cali Bilyan.
  2. Waxa uu Cali Bilyan dhawr bilood ka hor baadhay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu iyagana heshiis ama gor gortan kala galay Maayarka iyo nin ay ilmaadeer yihiin Cali oo dhulka u qaabilsan dawladda hoose oo lagu magacaabo Khaalid Abiib. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay inay Cali Bilyan iyo Axmed Yuusuf Dirir ka qaateen Dawladda Hoose ee Hargeysa lacag sodon kun oo dollar dhan(30,000-Dollars), waxa lanoo xaqiijiyay inuu lacagtaasi Cali Bilyan gacantiisa kaga soo qaaday Kaalinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ku dhegsan halkaasi oo ay ugu balamiyeen Masuuliyiinta ugu saraysa Dawladda Hoose ee Hargeysa. Lacagtaasi ayaa laaluusha ahaan looga dhigay si uu u qariyo xogta baadhista faylka uu gacanta ku hayo ee hanaanka Xisaabta Dawladda hoose kaasi oo uu illaa hadda kuu taagan yahay oo uu hoosta dhigay si loo ilaawo hadhayna uu habeen madaw dib ugu celiyo Dawladda Hoose.
  3. Waxa uu sidoo kale Baadhay oo uu madax u ahaa tiimkii baadhay Xafiisyadda Lacagta Airport-ka Hargeysa gaar ahaan shirkaddo yar yar oo halkaasi lacago buuran ka ururiyo, waxaanu iyagana la galay heshiis, iyadoo la sheego inuu halkaasna lacago ka qaatay, faylkoodii baadhistana uu illaa hadda ku taagan yahay oo uu hoosta dhigay.

F.G: Cali Bilyan Waxa Shaqadiisa Xun Sii Libin Laabay Intii Xukuumaddani Jirtay, Waxaanu Isku Haleeyaa Walaashiisa Golaha Guurtida Joogta Oo Inta Badan Sheegata Inay Saaxiib Dhaw La Tahay Marwada Labaad Ee Madaxweynaha.

Qaybtii: 5-Aad.

Lasoco Qaybaha Dambe:

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.