Waxa isuurto gashay inaan soo afjaro khilaafkii boqor cismaan iyo wasiirka xanaanaddu xasan gafaadhi

Tan iyo intii boqor cismaan buurmadaw iyo wasiirka xanaanadda isu mariyeen saxaafadda hadalo xanafleh waxaan ka shaqeeyey sidaan khilaafkaas meesha uga saari lahaa anigoo khadka telephoneka kala xidhiidhay ku qanciyey labada masuul inay joojiyaan hadaladda saxaafadda ee isku lidiga ah isla markaana kawada shaqeeyaan arrimaha u danta ah dadka iyo dalkaba iyadoo ay iga yeeleen labada dhinacba kadib islaab xaadhasho arrintaas oo isfaham iyo guul ku soo dhamaatay waxaan uga Mahad celinayaa boqorka iyo wasiirkuba sidii ay iiga ajiibeen ergadii una garawsadeen inay haboontahay inay dhinac keliya wax uwada kaxeeyan kana midaysnadaan afkaarta wadana shaqeeyaan .